Jowhar.com - Somali news Leader
June 18 2013 09:10:49
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise sharciyeedka Duulista Cirka Iyo Saadaasha Hawada (Sawirro)
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxayna ka doodeen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeed ay soo gudbiysay Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Shirakad Turki ah oo dhawaan lagu wareejin doono maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, Dib-u-soo celinta feestooyinkii iyo qadarintii 26 June iyo 1-da Luuliyo, iyo Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo soo jeedisay qabashada shir muhiim ah oo ku saabsan midaynta manhajka waxbarasho ee dalka.

Shirka goluhu markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey qodobadii ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, B.Isgaarsinta iyo Gadiidka Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo ugu horayntii ka hadlay ahmiyada uu leeyahay sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada.

“Sharcigaan waxa uu kaalin mug leh ka qaadanayaa dib u hanashada maamulka hawada Soomaaliya , kobcinta dhaqaalaha, abuurida shaqooyin dalka gudihiisa, soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare oo dalku yeesho, waxaa xusid mudan in Wasaaraddu ku guulaystay in ay dib u la soo noqoto maamulka hawada Soomaaliya 22 sano kadib oo ay horay u maamulaysay Hay’ada ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka hawada” ayuu yiri Wasiirku

Sidoo kale goluhu wuxuu go’aan saday in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, waxayna shirkadaas balan qaaday in mudo sideed bilood gudaheed ah lagu soo kordhin doono garoonka isbadal dhan kasta ah, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayey maamulka garoonka diyaaradaha shirkada SKA.

Dhanka kale goluhu wuxuu ayidday soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada taas oo ah in la qabto shir looga hadlayo waxbarashada dalka oo dhici doona 18-20 bishaan June, kaas oo ay ka soo qayb galayaan qurba joogta, aqoonyahanada, culimo-u-diinka, iyo xubno ka tiran golaha wasiirada, waxaana wasaaraddu soo bandhigaysaa manhaj midaysan oo dalku yeelanayo.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu isku raacay in maalmaha 26 June iyo 1-da luuliyo loo sameeyo dabaaldegyo balaaran oo lagu muujinayo qaranimada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goluhu meel mariyey in dhamaan deeqaha dhaqaale ee dalka soo gala la soo marsiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.


----DHAMAAD---


/>
/>
/>
/>



Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on June 13 2013
0 Comments · 3964 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
476,948 unique visits