Maslax inta uu dhaqtarka u gelin ayaa uu Siraad telefoon ka waay yeeray oo uu u sheegay meesha uu joogo iyo sida ay wax u jiraan wuxuuna ku war geliyey in ay soo gaarto oo ay lacagna u soo qaato oo uu ku bixiyo qarashka cispitaalka.
Maslax markiina dhaqtarkii ayaa uu galay isaga oo aan faraxsaneyn ayaana uu ka soo baxay isaga oo loo sheegay xaalada aabahiis ay tahay mid culus isla markaana uu dhiigiisa aad u sareeya oo uusan weli degin.
Maslax markii uu qolka ka soo baxay wuxuu la kulmay xaaskiisa Siraad oo iyada markaas soo gashay inta uu isku duubay ayaa ku ooyey Siraad samir siin ayaa ay u gashay dadkii meesha joogay oo dhan ayaa is weydiiyey cida ay gabartaan u tahay Maslax mar dambe ayaa uu mid mid reerkiisa u baray Siraad una sheegay in xaaskiisa tahay Hooyo Muslimo oo aad u dooneysay barashada Siraad ayaa ku tiri.
Hooyo Muslimo:
Waan ka xumahay gabadheyda in aan is barano maalin murugo leh
Siraad:
Dhib malaha Hooyo wax walba xag rabbi ayaa ay ka qoran yihiin aabana waa uu caafimaadaa Inshah Allah.
Maslax habeenkaas cispitaalka ayaa uu ku baryey xaalka aabahiis weli wax rajo lagama sheegin koomahii ayaa uu ku jiray wallow dadaal badan ay takhaatiirka hayeen isagoo Maslax u sheegay in ay lacag ka fikirin oo uu diyaar la ahay qiimo kasta oo ku baxda caafimaadka aabahiis.
Maalintii 3aadkii ayaa Maslax loo sheegay in dhiiga uu degay oo laga baxay cabsidii laga qabay inuu Maskaxda dhiig ku furmo lagana yaabo inuu koomaha ka baxi karo xilli kasta arrintaas aad ayaa uu Maslax ugu farxay.
Maslax gebi ahaan waxa uu la wareegay masuuliyada reerka isaga oo durbadiiba biilka reerka meel saaray isla markaana uu la xajooday raggii uu lacagta ka qabay Farxaan waqtina u qabtay oo uu lacagta ku bixin doono sidoo kale ayaa uu bixin jiray qarashka Cispitaalka.
Waa maalintii 6aad ee uu koomaha ku jiray Xaaji Ahmed waxaase mar kaliya reerka oo banaanka fadhiya loo sheegay in odoyga uu koomaha ka baxay isla markaana ay la kulmi karaan.
Xaajiga ogaal ayuu lahaa balse aad ayaa uu daciif u ahaa dadka la joogay waxaa ka mid aheyd Siraad oo la baray Maslax markiiba waa loo sheegay balse waa uu kari waayey inuu aabahiis hor tago oo aad ayaa uu kaga baqayey in waxa dhacay isaga eedeeda la saaro subax walba xaalkiisa ayaa uu ogaan jiray qarashka bixin jiray Hooyo Muslimo maalin walba tartiib tartiib ayaa ay ugu sheegeysay wanaaga uu falay Maslax waa ay u sheegtay Xaaji Axmed in dhibkii reerka oo dhan uu Maslax xaliyey.
Xaajiga markii uu si buuxda u bogsaday ayaa cispitaalka laga saaray wallow weli lugta iyo gacanta ay qabeen culeys yar oo tarbiyo lagu haayey.
Maslax marnaba waa uu ku dhici waayey inuu aabahiis hortago markii uu gurigiis u soo qado doontay ayaa Siraad ku tiri.
Siraad:
Aabe maanta cispitaalka waa laga saaray
Maslax:
Waan maqlay
Siraad:
Shalay waxa uu iga dalbatay in aan Mohamed Deeq u geeyo waana u geeyey saaka intii aan la saarin.
Maslax:
Miyuu ku farxay
Siraad:
Si weyn ayaa uu ugu farxay laakiin adiga maxaad la murugsan tahay
Maslax:
Hooyo ayaa ii soo wacday waxayna ii sheegtay in beri qado ay guriga jirto aabe uu doonayo inuu ila hadlo.
Siraad:
Oo maxaa taa ku qaldan
Maslax:
Aabe in aan hortago ayaan ka baqayaa maxaa yeelay waa nin ad adag waana gacan fudud yahay.
Siraad inta ay u soo dhawaatay ayaa ku tiri
Siraad:
Dadaalkaan badan oo qabatay kadib ma filaayo inuu kuu sii xanaaqsanaanayo.
Maslax:
Koley beri ma shaqo tagayo qadada waan is wada raaceynaa
Siraad:
Geesinimo ayaan kugu ogaa maxay tahay baqdinta is deji wax waliba waa ay hagaagayaan
Dhinaa kale Sahro nolosheeda waa ay ku faraxsaneyd inkastoo weli uur ku taalo ku haayey qiyaanadii Ciise balse waxay gacan wanaagsan iyo naxariis ku heysatay Garaad.
Sahro oo dukaankii ay ka shaqeyneysay weli joogta ayaa waxaa u yimid Garaad isa salaamid kadib ayaa uu ku yiri.
Garaad:
Caawa waxaan jeclaan lahaa in aan soo wada casheyno maxaan ka qabtaa
Sahro inta ay jees jeesatay ayaa ay tiri
Sahro:
Waan ka xumahay Garaad laakiin dadka ma doonayo in ay si xun ii arkaan waayo weli cudadeyda ma aysan dhamaan mana rabo in qof xun la ii arko.
Garaad:
Kaa xaragiisa in aad xushmeyso looma baahneyn laakiin aniga mar walba sida aad jeceshahay ayaan kula jeclahay.
Sahro:
Waan kaaga mahad celinayaa fahamka aad mar walba I fahamtid
Garaad:
Taa waad mudeysatay waxaan rabay arrin in aan cashada gudaheeda kaala hadlo laakiin dhib malaha mar kale ayaan ka dhiganeynaa.
Sahro kuma dhahayo maalintaan ku arkay ayaan ku jeclaatay laakiin jaceylka aan kuu qabo waxa uu ka billowday naxariis aan mar walba kuu muujinaayey markaan arkay sida uu ninkaaga kuula dhaqmayo mar walba waxaan oran jiray gabadhaan noloshaaan uma qalanto balse markaan ka guuray xaafadiina oo aan aragtidaada aan waayey ayaan dareemayo in qalbigeyga uu xagaaga waxa uu ka dareemayo uu jaceyl yahay wax badan waan isku canaantay ileyn dhaqan ahaan iyo diin ahaan waa arrin aan sax ku aheyn balse manta waxaa tahay qof aan la xajoon karo.
Sahro:
Laakiin Garaad ma ka fikirtay qofta aan dooneysid in aan nolosha la qeybsato in ay tahay qof kuu qalanta oo adiga farxad ku siin karta miyaadan ogeyn in naf qariban igu jirto.
Garaad:
Taa adiga ayaa qabo laakiin aniga waxaan aaminsan nahay in farxadeyda ay agtaada taal
Sahro:
Laakiin weli waxaan la taahayaa guul daradii ku timid guurkii aan mudo ku haminayey
Garaad:
Taa waan dareemi karaa laakiin looma baahna saaqidkaas dartiis in aad nolosha kaga samirto.
Hubaal caashaq iyo hinnaaso dumar waxeey qaas u tahay Jowhar.com kala soco Jimco walba insha Alah.