Qarax Bambaano iyo dilal ka dhacay magaalada Jowhar
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay Bam gacmeed lagu weeraray Xafiiska Xaafada Hantiwadaag looga arimiyo, iyadoo labo ruux shalay lagu dilay deegaanka Libiga ee duleedka magaalada Jowhar.
Sida ay sheegayaan wararka bam gacmeedka lagu tuuray Xafiiska Hantiwadaag ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka mid aheyd ilaalada Xaafiiska.
Weerarkan ayaa ah kii labaad oo xafiiskaas lagu qaado, iyadoo kol hore weerar loo adeegsaday rasaas lagu qaaday.
Afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada Jowhar ayaa leh Xafiisyo lagala socdo dhaq dhaqaaqa xaafadaaha.
Dhinaca kale shalay ayaa duleedka magaalada Jowhar lagu dilay labo ruux oo mid ka mid ah caan ka ahaa magaalada Jowhar oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Tacbaan.
Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay in dilkooda salka ku hayay arrimo is qab qabsi dhul beereed la isku hayay, iyadoo dilkooda ka dhacay beer ku taalay deegaanka Libiga.
Maamulka degmada Jowhar ayaan wali ka hadal dilkan oo laga cabsi qabo inay isu bedesho aanooyin qabiil.