Sarkaal ka tirsan Ciidamada nabadsugida Kenya oo xalay lagu dilay magaalada Wajeer
Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo ammaanka deegaanada gobolka waqooyi bari uu faraha ka sii baxayo.
Dilkan ayaa xalay ka dhacay bartamaha magaalada, iyadoo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ka dambeeyeen dilkaas, kuwaasoo baxsaday.
Taliyaha ciidamada booliska Wajeer ayaa sheegay in niman dabley ah ay ka dambeeyeen dilka, ayna ku raad-joogaan.
Dilalka qorsheysan ayaa maalmihii u dambeeyay ku sii kordhayay gobolka waqooyi bari, iyadoo dhowr todobaad ka hor weerar ka dhacay maqaayad ku taal Gaarisa lagu dilay ilaa sagaal ruux.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhowaan amar ku bixiyay in deg deg wax looga qabto ammaan xumida ka jirta gobolka waqooyi bari, iyagoo saraakiisha ammaankana ku wargeliyay inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo qal qal ku heysa ammaanka.
Kenya oo Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa ka dhacayay gudaha dalkeeda weeraro qaraxyo iyo dilal loo geysanayay saraakiisha ciidamada ee gobolka waqooyi bari.