Haweeney Madaxweyne kuxigeen ka aheyd Xisbi kaalinta 3aad ka galay doorashadi Pakistan oo la dilay
Siyaasad caan ka ah dalka Pakistan Zahra Shahid Hussian ayaa maanta lagu aasay magaalada Karashi ee dalka Pakistan, kadib markii dabley hubeysan oo mooto watay ay ku dileen banaanka hore ee gurigeeda.
Zahra Shahid ayaa Madaxweyne kuxigeen ka aheyd Xisbiga PTI oo dhowaan kaalinta 3aad ka galay doorashooyinki taariikhiga ahaa ee ka dhacay Pakistan.
Madaxa Xisbiga PTI Imran Khan oo horay u ciyaari jiray ciyaarta Criket-ka loo yaqaano ayaa ku eedeeyay dilkeeda inay arrimo siyaasadeed ka dambeysay, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay Xisbiga MQM.
Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaan ku aadan dilka, kooxihii dilka ka dambeeyay, inkastoo labo nin oo ahaa kuwii toogtay haweeneyda ay baxsadeen.