Jowhar.com - Somali news Leader
May 23 2013 14:29:07
  • Home
  • Articles
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Madaafiic xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia
Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlayay hugunka madaafiicda oo ahaa kuwo ku soo daadanayay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley oo ay ku taal Madaxtooyada ay ku dhaceen madaafiicda, oo gaarayay ilaa todobo madfac.

Lama soo sheegin ilaa iyo hada hadii qasaare ay geysteen, hase ahaatee madaafiicda ayaa haa kuwo ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyada, halka qaarkoodna ay gudbeen.

Madaafiicdan ayaa soo dhacay xalay saqdii dhexe wixii ka dambeeyay 12-dii habeenimo, iyadoo aan la ogeyn halka laga soo riday madaafiicda.

Muqdisho ayaa mudooyinkan laga maqlin madaafiicda hoobiyeyaasha, iyadoo dhamaadki sanadki hore dhowr jeer madaafiic lagu soo tuuray Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Hase ahaatee weerarada hoobiyeyaasha ee lagu soo garaacay Madaxtooyada ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku sugnaa, iyadoo labadii jeer ee u dambeeyay ee madaxtooyada lagu soo weeraray Madaafiicda aanay dalka ku sugneyn.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa wali ka hadlin madaafiicdan xalay ku soo dhacay xaafado ka tirsn magaalada Muqdisho.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 20 2013
0 Comments · 3952 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
125,173 unique visits