Jowhar.com - Somali news Leader
May 22 2013 18:37:19
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Xildhibaan sheegay in Xafiiska Madaxtooyada uu is hor-taag ku sameeyay shir ay lahaayeen
Waxaa soo baxaya tuhuno ku aadan in cida laheyd amarka lagu hor-istaagay shir maalin ka hor Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ku lahaayeen mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, iyadoo Hey'adda Nabadsugida qaranka ay iska fogeysay inay is hor-taagtay Xildhibaanadii shiri lahaa.

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo saaka la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay cadaatay shirka Xildhibaanada lagu hor-istaagay inuu ahaa amar ka soo baxay Madaxtooyada

"Waxaa cadaatay in shirka xildhibaanada laga hor istaagay uu ahaa amar ka soo baxay Madaxtooyada, waa la xisaabtami doona Madaxtooyada iyo cida amarka soo saartay"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabadan ay kula xisaabtamayaan Madaxtooyada, isla markaana Gudoonka Baarlamaanka ay u gudbinayaan dacwadaas sida uu yiri

"Cidii Xafiiska Madaxweynaha amarkaas ka soo bixisay in baarlamaanka la horkeeno, sharciga ayaa la jebiyay, xoriyatul qowlkii ayaa la jebiyay 110 xildhibaan ciyaar ma ahan in lagu tunto, hadaan wax laga qaban waa baarlamaan ma jiro"ayuu yiri.

Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida Qaranka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ciidamada nabadsugida ay is hor-taageen shirka Xildhibaanada, isagoo xusay in siyaasada Hey'adda Nabadsugida qaranka ay tahay ilaalinta karaamada iyo ammaanka Mas'uuliyiinta qaranka.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka socotay Muqdisho hadal heynta ku saabsanaa shirka laga beneday Mudanayaasha Baarlamaanka, iyadoo la is weydiinayo Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada awooda u leeyahay inuu hor istaago shir ay lahaayeen mid ka mid ah hey'adaha ugu sareeya dalka.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 20 2013
0 Comments · 2654 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
112,157 unique visits