Jowhar.com - Somali news Leader
June 20 2013 08:03:09
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Kulan looga hadlayay ammaanka oo maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid (Sawirro)
Kulan looga hadlayay ammaanka ayaa maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ujeedkiisa ahaa sidii dhalinyarada uga qeyb qaadan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka.

Hey'adda Wada hadalka bulshada oo soo qaban qaabisay kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada Yaaqshiid, mas'uuliyiin iyo Dhalinyaro ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka kulanka ayaa uga mahadceliyay Hey'adda CCD oo soo qaban qaabisay kulankan, isagoo sheegay in marar badan ay gacan haatiyeen si ay kulamo wacyi gelin iyo siminaaro ugu qabato degmada, ugu dambeyna ay timid.

Muxiyadiin Jurus ayaa fariin u diray dhalinyarada, isagoo ugu baaqay in aan loo adeegsan hurinta colaadaha, isagoo dhanka kale faray dhalintu inay ka shaqeeyaan ammaanka.

"Dhalinyarada ayaga loo adeegsaday wax walba, maantana waxaa rabnaa inay door ka qaataan adkeynta nabadgelyada, waxaa hada wadnaa howlihii deriseynta iyo sidii tirakoob looga sameyn lahaa degmada, meel fiican ayay mareysaa"ayuu yiri Muxiyadiin Jurus.

Gudoomiye Jurus ayaa sheegay inay hada wadaan howlo ay dib u dayactir ugu sameynayaan degmada, dibna ugu soo celinayaan bilicda degmada, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada wada shaqeyn iyo iskaashi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sida kaliya ee nabada lagu xoojin karo ay tahay in dhalinyarada isku xirnaadaan, degmo walbana ay sameystaan baro ay ku kulmaan, ugana warbixiyaan xaalada ka jirta degmada.

Waxaa uu sheegay in degmo walba amnigeeda ay sugi karaan dhalinyarada, hadii ay gacan ku siiyaan ciidamada ammaanka, lagana hortago kooxaha nabada diidka ah, waxaana uu xusay in hadii nabadgelyada la xaqiijiyo degmo walba ay heleyso adeegyadeeda aas aasiga ah.

Gudoomiyaha Dhalinyarada degmada Yaaqshiid C/llaahi Raage Axmed ayaa sheegay in sida kaliya ee loo wacyi gelin karo ay tahay in dhalinyarada la qalday loo maro waalidkooda, isla markaana xiriir loola sameeyo, si looga wacyi geliyo, isla markaana warbaahinta lagala hadlo.

Kulankan ayaa intii socday ayaa waxaa ka qeyb galayaasha dhalinyarada waxay galeen dood ku saabsan sida ay uga qeyb qaadan karaan nabada, loona xoojin karo, iyadoo lix koox oo loo qeybiyay ay ku soo bandhigeen aara iyo talooyin ay is weydaarsadeen markii ay ka munaaqashoodeen ajandayaasha kulanka.

Ugu dambeyn kulanka ayaa waxaa soo xirtay Gudoomiye kuxigeenka degmada Yaaqshiid Raxmo Daahir Siyaad ayaa ku ammaantay CCD kulankan ay soo qaban qabaneysay, iyo doorka ay siisay xilligan dhalinyarada ku nool Gobolka banaadir, sidii mustaqbalkooda uga tashan lahaayeen.

Hey'adda CCD ayaa waday dood cilmiyeedyo iyo siminaaro ay ku qabaneysay degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo lagu xoojinayay dhalinyarada, laguna wacyi gelinay.


















Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 20 2013
0 Comments · 3782 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
507,113 unique visits