Jowhar.com - Somali news Leader
May 25 2013 15:00:57
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Sudan (Daawo Sawirada)
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaj Fiqi oo Habeenimadii Xalay ahayd soo gaaray Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Sudan ayaa Maanta Barqanimadii la Kulmay Wasiirka Difaaca Dowladda Sudan Mudane C/raxmaan Xasan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Maanta ku Booqday Xafiiskiisa Dhigiisa Dalka Sudan ayaa waxa ay ka wada hadleen Arimo badan oo quseeya Labada Dal.

Wasiir C/xakiin Fiqi ayaa u mahadnaqay ugu horeentii Dowladda Sudan iyo Sida walaaltinimada leh ay u garab istaagan tahay Gaar ahaan Siyaasadeeda ay ugu Magac dartay (Taageerada Soomaaliya ee aan kala Go'a lahayn) iyo in ay ka Garab istaagtay Shacabka Soomaaliyeed dhowr Qaybood oo kala ah Dhanka Waxbarashada, Taageerada Dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada ku dhacday, Garab istaaga Xukuumad Kasta oo Soomaaliya matasha iyo Qodobo kale.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Sudan oo isagana Shir jaraa'id Xarunta Wasaarada Difaaca ee Sudan ku qabtay ayaa isagana sheegay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladda .

Waxa uuna sheegay Wasiirka Difaaca ee Dowladda Sudan C/raxmaan Xasan in Sudan ay Diyaar u tahay Sidii ay gacan uga siin lahayd Dhan walba oo Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ku Hormarayaan isagoo xusan in Si gaar ah ay Xooga u Sii Saari doonaan Dhanka Soo celinta Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa Kulamadaas goob joog ka ahaa Saraakiin Sar sare oo Wafdiga Dowladda federaalka ah la socda iyo Madaxda Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan oo hor Kacayo Safiirka Safaarada Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/laahi Ugaas iyo Xubno kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale Booqday Xarumaha ugu waa wayn ee Dowladda Sudan wax ku tababarto Ciidanka Milatariga iyo kuwa la halmaala.

Fiidow Mahamud
fiidka@live.com
Khartoum, Sudan












Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 20 2013
0 Comments · 5353 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
151,475 unique visits