Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii Hoobiyeyaasha ee lagu qaaday madaxtooyada
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar hoobiyeyaal ah oo habeen hore lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadayaan weeraradaas.
Afhayeenka howl galada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ilaa 10-madaafiic hoobiyeyaal ay la eegteen Madaxtooyada.
"Mujahidiinta ilaa 10-madaafiic hoobiyeyaasha ayay ku rideen Madaxtooyada, waxaa halkaas ku gaaray qasaare cadawga"ayuu yiri Abuu Muscab oo intaa ku daray in shan ka mid ah Ciidamada AMISOM ku dhinteen madaafiicdaas.
Weeraradii habeen hore ayaa ahaa mid qal qal geliyay magaalada, waxaana madaafiicda qaar ay ahaayeen kuwo ku dhacayay xaafadaha u dhow dhow Madaxtooyada, inkastoo aan la soo sheegin hadii qasaare ay geysteen.
Dhinaca kale Afhayeenka howl galada Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Shabellaha Hoose iyo Gedo, kadib weeraro qorsheysan ay ku kala qaadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalada ay ka kala dhaceen deegaanka Janaale ee Shabellaha Hoose iyo deegaanka Fafax Dhuun ee gobolka Gedo oo uu tilmaamay in qasaare xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Ma jirto ilaa iyo hada hadal ka soo baxay Saraakiisha Madaxtaaooyada iyo kuwa hey'adaha amniga oo ku aadan weerarada hoobiyeyaasha ee habeen hore lagu weeraray xarunta Madaxtooyada.