Jowhar.com - Somali news Leader
May 21 2013 16:10:07
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo saaka howlgalo ka wada degmooyin ka tirsan G/Banaadir
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howl gal ka wada degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo wax dhaq dhaqaaq ah aysan ka jirin xaafadaha ciidamadu howl galka ka wadaan.

Howl galkan ayaa waxaa ka qeyb qaadnaaya ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida oo ay wehliyaan ciidamada AMISOM, iyadoo xalay saqdii dhexe hareereeyay xaafadaha howl galka lagu qaaday.

Ciidamada ayaa si gaar ah howl galka uga wada degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadaha Xamar Jadiid, Labo Dhagax, xaafadaha ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ku teedsan Jidka warshadaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay banaanka u bixi la'yihiin, isla markaana ay xiran yihiin dhamaan wadooyinka, waxaana ciidamada ay galayeen guryaha, kuwaasoo kala soo baxayay dhalinyarada.

Gawaarida loo yaqaano Shabaqlaha ayaa dadka howl galka lagu qab qabtay lagu soo daadgureynayay, kuwaasoo saldhigyada loo soo qaadayay.

Howl galkan ayay saraakiisha ammaanka ku tilmaameen mid ujeedkiisa yahay in lagu sugo ammaanka, iyadoo habeen hore weerar hoobiyeyaal lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 21 2013
0 Comments · 1032 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
92,966 unique visits