Jowhar.com - Somali news Leader
June 20 2013 13:52:11
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Booliska Kenya oo ku dilay Nairobi nin iyo xaaskiis, kadib howl lagu dhaawacay shan askari+Sawirro
Booliska Kenya ayaa toogasho ku dilay nin iyo xaaskiisa oo looga shakiyay Argagixisnimo, kadib markii howl gal booliska ka sameeyeen guri ay degenaaayeen oo ku yaalay Nairobi ay ku soo tuureen Bam gacmeed, kuna dhaawaceen shan askari

Howl galkan oo qaatay saacado ayaa ciidamada booliska ka sameeyeen guri ay degenaayeen lamaanahan oo ku yaala xaafada Githurai Kimbo maalintii sabtida aheyd, iyadoo howl galkan ay ka qeyb qaadanayeen ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay ku raad joogeen nin lagu magacaabo Felix Otuko oo la sheegay inuu ku soo tababartay Soomaaliya.

Ninkan iyo xaaskiisa ayaa diiday inay ciidamada isku soo dhiibaan, iyadoo booliska ay u isticmaaleen gaaska indhaha ka ilmeysiiya, iyagoo bam gacmeed ku soo tuuray ciidamada booliska, kana dhaawacay shan askari.

Lamaanayaashan ayaa heystay canug sideed bilood jir ah, kaasoo ay u isticmaali rabeen inay isku difaacaan, hase ahaatee booliska ay toogteen labadooda, ayna guriga ka kaxeeyeen canugii sideeda bilood jirka ahaa.

"Waxaan helnay warbixin ku aadan inay qorsheynayaan weerar, waxaan si dhaqse ah ku ogaanay halka ay dhuumaaleysanayeen"ayuu yiri Augustine Mthumbi oo ah taliyaha booliska Nairobi.

Meydka ninka iyo xaaskiisa ayaa loo qaaday halka la dhigo keydka meydadka ee magaalada Nairobi, iyadoo boolisku sheegay inuu baaritaan wado.

Howl galkan ayaa ku yimid kadib markii ciidamada Booliska ay su'aalo weydiiyeen nin lagu Elgiva Bwire Oliacha oo saaxib la ahaa ninkan ay diloeen booliska, waxaana ninkan u xiran booliska Kenya u suura gashay inay ka helaan xogta ku saabsan Mr Otuko oo weeraro argagixiso qorsheynayay.

Waa howl galkii u horeeyay noociisa ee Ciidamada booliska la dagaalanka Argagixisada ku qaadaan guri ay degenaayeen dad looga shakisan yahay argagixiso, iyadoo ciidamada la kulmeen iska caabin.







Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 21 2013
0 Comments · 5469 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
512,497 unique visits