C/raxmaan Faroole "Cida Federaalka diidan iyadaa is og, hadii aadan soo dhoweyn dowlad federaal ma jirto"
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa taageero u muujiyay Axmed Madoobe oo 15-kii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubaland, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya inay soo dhoweyso.
C/raxmaan Faroole oo ka hadlayay xaflad lagu taageerayay maamulka Jubaland oo ka dhacday Garowe ayaa sheegay in markii hore lagu heshiiyay nidaamka federaalka iyo in gobolada ka dhismaan maamul goboleedyo.
"Danta dalka waa dib u heshiisiinta, waa dowladda federaalka dhismaheeda in la dhameystiro maamul goboleedyada waa inay dhismaan kuwa Bay iyo Bakool, Gobolede dhexe dhismaan Jubaland hada waa taan u dabaal degeyno"ayuu yiri Faroole.
Faroole ayaa sheegay in Dastuurka la qalday oo aan aheyn kii Nairobi lagu soo saxiixay ee loo gudbiyay shirweynihii Ansixinta dastuurka ee 1-da Agoosto ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Muqdisho.
"Cida ka war wareegeyso ama diidan iyadaa is og, dalka Soomaaliya dastuur ayaa loo sameeyay, wadada furan oo dib heshiisiinta waa inay dhismaan maamulada federaalka, qaar waa tageen, kuwana hada ayay soo socdaan, intii is rabta ha sameysteen, dowladda dhexe waxaa leenahay soo dhoweeya, hadii aadan soo dhoweyn sida dastuurka qabo idinka cirka biyo ku og, idinkana dowlad federaal ah ma jirto"ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ka soo horjeestay maamulada is bar bar yaaca ee lagu doortay Kismaayo, kaasoo Jubaland loogu doortay Madaxweynayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.