Jowhar.com - Somali news Leader
May 22 2013 23:23:44
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles
  • Downloads
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Qaar ka mid ah Mudanayaashii baarlamaanka ee mooshinka ka waday Xukuumada oo ka laabtay
Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka waday Xukuumada ayaa sheegay inay ka laabteen, kadib markii ay u cuntami weysay qaabka wax loo waday ee la doonayay in Xukuumada lagu rido.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa mudanayaashii wax ka saxiixay mooshinka oo shalay ka qeyb galay kulan looga soo horjeeday mooshinka Xukuumada oo xildhibaano boqol gaaraya ku yeesheen Muqdisho ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inuu ka laabto.

"Wadada kaliya ee mooshinga lagu geeyay waxay aheyd lopin la waday, nin laga dhaadhiciyay in xukuumada dhaliil mudan tahay, nin wax gocanayay iyo kuwa diidanaa, nin walba meesha bugtaa asigee bal baleysa, ma jirin fikrado ama dad is weydiiyay waxa mooshinka lagu geeyay oo la is dhahay adiga maxaa kaa haleysan adiga maxaa ka careysiiyay"ayuu yiri Prof, Dhalxa.

Prof, Dhalxa ayaa sidoo kale sheegay inay ka laabteen mooshinkaas, kadib markii shacabka Soomaaliye ay u arkeen inay wax duminayaan sida uu yiri.

Xildhibaanada mooshinka waday ayaa waxaa ka mid Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Sooyaan, Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo kuwa kale oo lagu arkay madashii shalay ka dhacday qadada ee looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Dhinaca kale Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulankii shalay ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan dib loogu laaban, lana dumin Xukuumada, isagoo ka dalbaday mudanayaasha in wasiir kasta la xisaabtamaan, bedelkii ay xukuumada oo dhan ay dumin lahaayeen.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka socday shirar gaar gaar ah oo lagu kala fur furayay xildhibaanada mooshinka ka waday xukuumada, kuwaasoo gaarayay in ka badan boqol xildhibaan, inkastoo haatan la sheegayo in tiradaas la soo yareeyo, waxaana war farxad leh oo qalbiga u qaboojinaya u yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo todobaadkii la soo dhaafay xaalka ku xumaa.

Maalinta berri ayaa qorshuhu yahay in Xukuumada ay hortagto Baarlamaanka, kadib markii gudoonka baarlamaanka uu sheegay inuu horyaalo mooshin ka dhan ah Xukuumada kaasoo ah kalsooni kala noqosho.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 21 2013
0 Comments · 3481 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
116,004 unique visits