Jowhar.com - Somali news Leader
May 23 2013 20:44:06
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
DEG DEG: Mooshinkii laga geeyay Xukuumada Soomaaliya oo fashil ku dhamaaday
Gudoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu laalay mooshinkii laga keenay Xukuumada, kadib markii tiradii loogu tala galay inay mooshin ka keenaan Xukuumada uu yaraaday, isla markaana ku soo hartay tirada Xildhibaanada 38-xildhibaan, ayna ansax aheyn.

Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 200 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari, waxaana uu ka dhawaajiyay in markii hore mooshinka u soo gudbiyeen 93-xildhibaan, hase ahaatee maalinba maalinta ay ka dambeysay ay xildhibaano warqado u keenayeen oo ay kaga tanaasulayeen.

"Maalinba maalinta ka dambeysa Xildhibaano ii imaanayay, waraaqado ayay i keeneen oo ay kaga laabanayeen, waxaa ugu dambeysay 13-xildhibaan, waxaa soo hartay oo kaliya 38-xildhibaan sharcina kuma ahan inay mooshin keenaan"ayuu yiri Prof. Jawaari.

Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib oo ku hadlayay magaca Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa kulanka ka sheegay inay ka tanaasuleen mooshinka, ayna ka laabteen, waxaana xildhibaanada baarlamaanka ku soo dhoweeyeen sacab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 38-Xildhibaan ee ku soo haray mooshinka ay ahaayeen xildhibaano taageerayay Jubaland, oo ka soo kala jeeda Jubooyinka iyo Puntland.

Kulanka baarlamaanka ayaa goor dhow soo idlaatay, waxaana mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo horjeeday mooshinka ay ka soo dareereen xarunta golaha shacabka, iyagoo aad u faraxsanaa.

La soco wixii ku soo kordha.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 22 2013
0 Comments · 5512 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
129,458 unique visits