Jowhar.com - Somali news Leader
May 23 2013 23:31:00
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika iyo Taliyaha guud ee AMISOM (Sawirro)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka ayaa waxaa diirada lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarada ay ka sameeyeen ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda dagaalka ay kula jiraan kooxda xag-jirka ah ee Alshabab.

Markii uu soo idlaaday kulanku waxaa saxafada si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa. Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay inuu u mahadcelinayo wadamada Africa ee ciidamadu ka joogaa Soomaaliya.

Wakiil Midoga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’antahay Midowga Africa sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

“Midowga Africa waxay u dabaal dagayaan 50 guuradii ka soo wareegtay asaaskii midowga Africa, waxaana muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb qaato dabaal daga Ururka, waxaana muqdisho barito lagu qabanayaa xaflad balaaran” ayuu yiri wakiil midowga Africa oo dhanka kale sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen horumarada ay sameeyeen mudooyinkii danbe ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM.

Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa 25 bishaan ku kulmaya madxweynayaasha wadamada afirca iyagoona u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay midowga Africa, waxaana lagu wadaa in madaxweynayaasha Afirca shirkooda ay diirada ku saraan arrimaha Soomaaliya













Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 22 2013
0 Comments · 5227 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
130,991 unique visits