Jowhar.com - Somali news Leader
June 20 2013 03:25:15
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

C/raxmaan Ceynte "Madaxda qaranka waxay ku guuleysteen inay kala fur furaan xildhibaanadi mooshinka waday"
Madaxa Machadka Heritage C/raxmaan Ceynte ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii ay ku timid in mudanayaasha baarlamaanka ay dib ula laabtaan mooshinkii ay ka keeneen Xukuumada uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Saacid.

Mr Ceynte oo falanqeeya siyaasada Soomaaliya iyo mida geeska Afrika ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dowladda ay ku guuleysteen inay kala fur furaan mudanayaashi baarlamaanka ee mooshinka ka waday Xukuumada.

"Mooshinka waxaa la dhihii karaa wxaaa ka soo baxday in madaxda qaranka ku guuleysteen inay kala fur furaan mudanayaashii baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Xukuumada"ayuu yiri C/raxmaan Ceynte oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliya ee VOA.

Mar uu ka hadlay in qaababka loogu adeegsaday xildhibaanada in lagu kala fur furo ayuu xusay inay dhici karaan balanqaadyo loo sameeyay, taasna ay aheyd arrimo mar walba dhaca in jagooyin loo balan qaado sida uu yiri.


C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay in hadii si kale loo fiiriyo aanan mooshinka fashilmin, isla markaana mudanayaasha la laabteen, waxaana uu xusay in wali uu taagan yahay shiishka mudanayaasha u saaran Xukuumada.

"Hadii laga fiiriyo dhanka kale maadaama mooshinka lala laabtay ee aanu fashilmin, wali baacsigi baarlamaanka ee Xukuumada ku hayeen shiishkiisa abaaraha u saaran yahay, waxaa ay awood u leeyihiin inay muddo bil gudahood mooshin noocaan oo kale ka keeni karaan"ayuu yiri Mr Ceynte.

Waxaa uu sheegay in dhaqankan baarlamaanka uu ahaa mid sideedii sano ee la soo dhaafay soo jiray iyo intii Ra'iisul Wasaarayaasha KMG soo jireen, isla markaana aanay dhicin Ra'iisul Wasaare labo sano xilka hayay, maadaama ay u imaanayeen mooshin xildhibaanada ka keenayeen.

Ugu dambeyn Mr Ceynte ayaa sheegay inay adag tahay in la odoraso sida ay wax u dhici kareen, hase ahaatee madaxda dowladda laga yaabo inay arrintan wax ka bedelaan.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

master on May 22 2013
0 Comments · 4052 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
505,619 unique visits