Jowhar.com - Somali news Leader
June 19 2013 17:03:56
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Twitter JHR
  • Somali Links
  • Allsomalimusic.com
  • Contact Uss
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay inay jiraan maleeshiyooyin Isbaarooyin dhigta xaafadaha Muqdisho
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inay jiraan maleeshiyaad madax banaan oo aanay cidna ka amar qaadan, kuwaasoo isbaarooyin soo dhigta xaafadaha Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay inay jiraan kooxo ku labisan dareyska ciidamada, isla markaana isbaaro dhigta, isagoo tilmaamay inay si adag ula dagaalami doonaan kooxahaas.

"Waxaa jira maleeshiyood madax banaan oo aanay cidna ka amar qaadan oo isbaarooyin dhiganaya, kuwaas si adag ula dagaalameynaa"ayuu yiri Tarsan oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah.

Sidoo kale Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in kooxaha ku labisan dareyska ciidamada ay suuqa ka soo iibsadaan, ayna isu ekeysiiyaan ciidamada, waxaana uu carabka ku adkeeyay in dhowaan tallaabo ka qaadi doonaan.

Mr Tarsan ayaa sheegay in magaalada ay isu furi doonaan, ciidamo amniga ka shaqeynaya ka howl galayaan, isagoo xusay in aanu raali ka aheyn in jidadka la xiro.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer ku cel celiyay inay jiraan kooxo ku labisan dareyska ciidamada oo aan cidna ka amar qaadan oo dhibaatooyin u geysta shacabka.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 23 2013
0 Comments · 1330 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
499,451 unique visits