Jowhar.com - Somali news Leader
May 24 2013 19:25:53
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Facebook
Navigation
  • Home
  • Articles & Fikirkada
  • Qurankariim.com
  • FAQ
  • Discussion Forum
  • Somali Links
  • News Categories
  • Contact Me
  • Photo Gallery
  • Search
BBC Somali - VOA
BBC Somali 07:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
VOA Somali 06:30
VOA Somali 16:00
VOA Somali 20:00
Radio Banadir
Askari lagu dilay Xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida oo ku taal Koofur bari London (Sawirro)
Askari ayaa lagu dilay koofur bari magaalada London Xaafad lagu magacaabo Woolwich, halkaasoo ay u badan yihiin Soomaalida, iyadoo weerarkan oo dhacay maalin cad lagu tilmaamay mid argagixiso.

Labo nin oo madow ahaa ayaa Mindi iyo faas ku dilay askari ka tirsan Ciidamada British oo ka soo baxay xero ku taal Woolwich, iyadoo booliska oo goobta soo gaaray ay labada nin dhaawaceen.

Wararka ayaa sheegaya in labada nin ee falkan geystay ay ka soo jeedaan dalka Nigeria, waxaana mid ka mid ah uu la hadlay haweeney goobta ku sugney, isagoo sheegaya in ciidamada Britain ay maalin walba dilaan dad Muslimiin ah, isagoo dhahayay Allahu Akbar.

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa muujinayay, ninkan oo gacanta mindida ku heystay, dabadeedna dhiig ka muuqday.

Labada nin oo ay dhaawaceen booliska ayaa la dhigay Isbitaal ay ammaankiisa aad loo adkeeyay, waxaana socda baaritaano ku aadan falkan.

Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameroon ayaa soo gaba gabeeyay socdaal uu ku joogay magaalada Paris, isagoo sheegay in falkan uu ahaa mid naxdin leh.

Mr Cameron ayaa shir gudoominaya shir arrimaha ammaanka looga hadlayo kadib falkii argagixiso ee Woolwich.

Soomaalida ku nool xaafada Woolwich ayaa cabsi la soo deristay, iyadoo goor hore oo fiidkii ah ay dadka guryahooda ku kala xaroodeen, si aanay saameyn ugu yeelan howl galo ay ciidamada wadeen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo London ka dhaca tan iyo bishii July sanadkii 2005 oo weeraro qaraxyo lala eegtay Boosteejada tareenka.















Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

mahad on May 23 2013
0 Comments · 5590 Reads ·Print ·
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
jowhar.com
141,700 unique visits