Dowladda Soomaaliya iyo Sudan oo kala saxiixday heshiis dhinaca ciidamada+Sawirro
Dowladda Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca ciidamada, kaasoo dowladda Sudan uga qeyb qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda.
Heshiiskan oo ay si wada jir ah uga soo shaqeeyeen Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxaa kala saxiixay Gudoomiyaha Maxakamada sare ee Ciidamada qalabka sidan Jen, Mungaab iyo Gudoomiyaha Garsoorayaasha ciidanka qalabka sida ee Sudan.
Dowladda Sudan ayaa gacan ka geysaneysa sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib u dhiska ciidamada qalabka sida, tababaradooda iyo sidii dhinaca qalabka uga taageeri laheyd, waxaana heshiiskan uu qeyb ka noqonayaa heshiisyo horay u soo gashay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo ku saabsan arrimaha ciidamada iyo tayeyntooda.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay in muhiimad weyn u tahay in dowladda Sudan ee walaalaha nahay inay garab istaagto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay Sudan taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Sudan ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii heshiiskan uu u dhaqan geli lahaa, isagoo xusay in Soomaaliya ay arkaan inay yihiin hal shacab oo walaalo ah.
Waa markii ugu horeysay oo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay Heshiis nuucaan oo kale ah la saxiixato dowladda Sudan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.