Dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka oo ka soo cusboonaaday Deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe
Xiisadaha ka dhasha aanooyinka qabiilka ayaa sanadihii u dambeeyay qeybo ka mid ah Gobolada Dalka ka ahaa wax soo jireen ah, iyadoona inta badan ay ku yimaadaan xiisadahaas arrimo kala duwan oo ka dhasha gacan ka hadal.
Tahriibayaal Soomaali ah oo ku maashoobay inta u dhaxeysa Xeebaha Libiya iyo Talyaaniga.
Soomaali Tahriibayaal ah oo naftooda ku biimeeyay Bada u dhaxeysa Libiya iyo Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku maashoobeen Bada Militariyanka, iyagoo Doon yar ah oo kuwa macmalka ah ka raacay Xeebaha Dalka Libiya.
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed One of the leaders of the Somali Islamist groups those fight against the Somali government and the presence of Ethiopian troops in Somalia has accused Ethiopian troops of "starting new waves of violence”
Liverpool oo Xilli ciyaareedkan iska soo dhiseysa Dhinaca Daafaca.
Daafaca Kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in diyaargarowga kooxdiisa ay ku jirto uu yahay mid si wanaagsan ku socda gaar ahaan buu yiri dhinaca difaaca oo ay kooxda iska adkeyneyso.
Afar koxood ayaa soo bandhigay ciyaaro heer saare ah shalay galab ciyaar ka dhacday Goroonka weyn ee Ringby Stockholm.
Afar koxood ayaa soo bandhigay ciyaaro heer saare ah shalay galab ciyaar ka dhacday Goroonka weyn ee Ringby Stockholm, Ciyarahaas ayaa waxaa isaga hoor yimid afarta koox oo kala ah Finland-Banadir iyo Shuger team -Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka dagay Xarunta Dowlad goboleedka Puntland, iyadoo ka hor inta uusan ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu dhicisoobay weerar lala damacsanaa in safarkiisa lagu baajiyo.
Sarkaal ka tirsan Hey'adda WHO oo si dirqi ah kaga bad baaday isku day lagu dili lahaa Degmada Dhuusa Mareeb.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan WHO uu xalay ka bad baaday isku day lagu dili lahaa.