Obama oo amray duqeymo cirka in lagu qaado Kooxda Daacish ee Waqooyiga Ciraaq

by Axmad ali | Friday, Aug 8, 2014 | 2637 views

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in hada qiil loo heli karo fara gelinta Ciraaq, kadib markii Kooxaha Islaamiyiinta ay qabsadeen magaalo ay u badan yihiin dadka Kirishtaanka, halkaasoo ay ka barakaceen dadka laga tirada badan yahay ee Masiixiyiinta Yazidi.

Obama oo ka hadlayay aqal cad, kadib markii uu la kulmay la taliyeyaashiisa xaga ammaanka ayaa sheegay in aanay ciidamo u diri doonin waqooyiga Ciraaq, hase ahaatee waxaa uu amray in duqeyn cirka ah lala bartilmaameedsado kooxaha Islaamiyiinta.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Islaamiga inay bartilmaameedsanayaan dadka laga tirada badan yahay ee Masiixiyiinta iyo inay qatar ku yahay danaha Mareykanka.

Ilaa iyo hada ma dhicin wax duqeymo ah, hase ahaatee Mareykanka ayaa gar gaar xaga bani’aadanimada oo cirka ah u sameeyay dadka qaxaya, iyadoo diyaarada looga soo daadiyay cuno iyo biyo.

Kooxda Daacish ayaa qabsaday magaalada Qaraqosh oo ah magaalada ugu weyn ee dadka Kirishtaanka reer Ciraaq.

Dadka laga tirada badan yahay ee Yazidis loo yaqaano ayaa u cararay buuraha, waxaana laga cabsi qabaa in looga daba tago halkaas.

Magaalada Irbil oo ay ku taalo qunsuliyada Mareykanka ayaa la sheegayaa in kooxaha Islaamiyiinta inay isu diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan.

Kooxda Daacish oo dhowaan ku dhawaaqday Khilaafo Islaami ah ayaa ka talisa dhul badan oo ku yaal dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana u dagaalama dagaalyahano fara badan oo ka kala yimid caalamka daafihiisa.

Like it? Share it!