Qarax ka dhacay xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya

by mahad | Tuesday, Mar 17, 2015 | 3449 views

Bam ayaa ku qarxay saaka magaalada Mandhera ee dalka Kenya kahor inta aysan ciidamada Booliska kala furfuran labo kale.

Wararka ayaa sheegaya in bamka uu ka qarxay meel ku taal xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Point 3 waxana ay boolisku ay isla gaabtaa ka heleen labo miino oo dhulka lagu aasay.

“Qarax ayaa ka dhacay Border Point 3 balse wax dhaawac ah ma geysan, balse Booliska waxa ay ka heleen labo miino oo nooca dhulka la geliyo ah waxayna ku guuleysteen inay kala furfuraan,”ayuu yiri Mr Elvis Korir oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca Bari ee magaalada Mandhera.

Mr Korir ayaa sheegay in miinooyinka la geliyay halkaas habeenimadii ayna ka dambeeyaan dad uu ku tilmaamay inay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Kena gaar ahaan magaalada Bulo Xawo.

“Halka la geliyay waxyaalaha qarxa waxaa isticmaala ciidamadeena ilaaliya xadka waxayna u muuqataa in yoolka uu ahaa ciidamada ilaalada xadka,”ayuu yiri Mr Korir.

Mid kamid ah ciidamadii furfuray miinooyinka ayaa sheegay in ururka Alshabaab ay farsamooyin kala gedisan u isticmaalaan sidii ay waxyeelo ugu geysan lahaayeen ciidamada waxana uu xusay in saddexda miino ee la geliyay dhulka ay ahaayeen qorshe marka hore la qarxinayo mid ka mid ah miinooyinka kadibna marka ay ciidamada soo gaaraan goobta kuwa kale la qarxiyo.

Guddoomiyaha gobolka Mandheera  Cali Rooba Saciid oo ka badbaaday weerar la doonayo in lagu qaarijiyo dhowaan ayaa sheegay in uu faraha kasii baxayo ammaanka dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Like it? Share it!