Guddiga Dib u eegista dastuurka ee Labada Aqal oo lagu wareejiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga

July. 15 (Jowhar.com)-Guddoonka labada Aqal ee BJFS ayaa nuqulada heshiiskii Madasha wadatashiga Qaran ku wareejiyay guddiga dib u eegista,la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal.

Ku wareejinta Nuqulkan guddiga dib u eegista iyo la socoda iyo hirgelinta dastuurka ee labada aqal ayaa waxaa goobjoog ka ahaa
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddiga Dib-u -eegista iyo La Socodka hirgelinta Dastuurka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal ayaa heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ka baaran degayo, waxayna u soo gudbin doonaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More