Aabe Warsame markiiba xaafada kama fogeyn oo salaadii Cishah markii uu ka soo baxay ayaa uu iska fadhiistay maqaayad qaar aqyaarta xaafada fadhisay,

markii waa uu soo socod boobay guriga markuu yimid ayaa loo sheegay sida uu xaalka yahay waxa uuna Qadar ku yiri is deji Falis in ay albaabka furto ayaa uu ku amray markii qolka fadhiga ayaa la yimid.

 

Markii qolka la isku Yimid ayaa Aabe Warsame hadalkii furay oo yiri

 

Aabe Warsame:

Bal sida ay wax u jiraan hala ii sheego hadal Qadar maxaad ku heysataa gabadhaan

 

Falis oo damacday in ay hadasho ayaa iyada oo is ooysiineyso ayay tiri

 

Falis:

Aabe Qadar nolosha ayaa uu ii diidan yahay

 

Aabe Warsame:

Aamus Falis aaway Qadar Hadal adiga maxaad ku heysayaa gabadha

 

Qadar:

Aabe gabadhaan warkiina ayaa ku dheeley hadana ma iyada ayaad aamineysaa

 

Aabe Warsame:

War aniga cidna ma aaminin ee hadal sidey wax u jiraan

 

Qadar:

Aabe cunug xun oo doocil ah oo aan cidna laheyn ayay maalmahaan ka daba wareegtaa maalmahaan waan daba socday caawana barxada reer Kuulow ayay la taagneyd

 

Aabe Warsame:

Hadalkaan maxaa ka jira Falis

 

Falis:

Aabe waa beentiis

 

Aabe Warsame:

Adiga ayaa been sheegayo weligay xanaaqaan kuma arkin Qadar ee meesha uu kugu dhibsaday ma ka hartay mise waan kugu fasaxayaa

 

Falis:

Aabe naag waa tii nin u joogto wiilkana ma ah wiil xun waana is rabnaa

 

Markii ay itnaas tiri ayaa uu Qadar ku duufay oo labo feer u geliyey waxaana markii ka qabatay Yaasmiin oo meel ku dhow fadhisay

Aabe Warsame:

War joog aniga ayaa hadlayo aamus adiga

 

Qadar:

Aabe waxa ay ku hadleyso sow ma maqashid xishoodka ayayba ka tagtay

 

Falis:

Maxaa laga xishoodo ayaan sheegay ma adigaa I aroosi laheyd

 

Aabe Warsame oo aan ka fogeyn Falis ayaa markiiba Dhirbaaxsho u geliyey oo ku yiri

 

Aabe Warsame:

Haddii aad sharaf isu rabtid waxa aan ku leenahay maqal haddii kalana waa kaa raac hana ku tashan gurigaan

 

Aabe warsame si tacajab ayay ugu laabtay fadhigiisa waxa uuna ku yiri Hooyo Maryan oo la yaaban iyada laf ahaanteeda

 

Aabe Warsame:

Wejigayga ka leexi tan manta wixii ka dambeeyana banaanka cid u diri karto ma jirto gurigaana ma dhaafi karto

 

Hooyo Maryan iyada oo aan wax war ah aan oran ayaa ay qolkii ka baxday Yaasmiina waxa ay waday Falis oo qolkeeda geysay waxaana sheekadaan dhexmartay Falis iyo Yaasmiin

 

Yaasmiin:

Si kastaba waad qaldeyd maxay tahay waxa aad ku hadashay ma ogtahay inuu Aabe kaa niyad jebay kalmadaasna ma aheyn in aad ku hadashid manta waxa aad weysay Gabaad weyn oo aad u heysatay Qadar

 

Falis:

Cidaan waan ku daalay mana la noolaan karo

 

Yaasmiin:

Ma dhoocilkaas ayaad ka raaceysaa reerkaaga walkaahi waad falan tahay

 

Falis:

Walaahi ma falni balse cadaadiskaan badan ma ku noolaan karo

 

Yaasmiin:

Wax kasta oo adiga laguugu ilaalinayo waa dantaada ee waxaan ku dhihi lahaa inta aad is dejiso ee Aabe u tag oo ka soo raali geli

 

Falis:

Qof dhan oo nool ayaa la leeyahay banaanka uma bixi kartid

 

Yaasmiin:

Aidga ayaa xaalka intaas gaarsiisay ee cagao dhigo

 

Falis iyada ayaaba gar isla laheyd Qadar ayaa uu haa qofka ugu xanaaq badan xataa haddii ay gacantiisa gaartay weli ciil ayaa uu qabaa balse Aabe Warsame ayaa weli la yaabkii ku jira waxa uuna isaga xarooday qolkiisa

Qof walba meel ayaa uu si ula fadhiday Yaasiin oo markii uu xaafadiisa tagay ayaa uu dhowr jeer isku dayey in uu soo Waco wax telkii ka qabto ayaa uu waayey maxaa yeelay Falis telefoonkeeda xaafada Fartuun ayaa ay kaga timid oo Fartuun markii ay xaalka ogaaday ayaa ay iska demisay sidii ayaana habeenkii lagu kala seexday

 

Qadar ayaa ahaa qofka ugu fikirka badan markii uu shaqada tagay aabahiis taladaan ula tagay

 

Qadar:

Aabe aniga Xalay oo dhan ma seexan arrinta Falis waa in aan wax ka qabano

 

Aabe Warsame:

Haye maxaa kuu soo baxay adiga wiilkase ma ogaaday cida uu yahay

 

Qadar:

Aabe waa dhoocil xun oo madaxa u xiirxiiran ma kaas ayaa sharaf leh aabe aniga weligay waan ka cabsi qabay Falis in ay meel xun na fadhisiso marka waxaan qabaa in Abti Geesey wiilkiisa aan ku xerno kolay isagaba wax ma heysto aan isaga ku biilno

 

Aabe Warsame:

Walaahi aabe ma aqaan waxaan ku iraahdo waase waa wax jira in Falis aysan dab yar shidi doonin illaahay nama ceebeeyo

 

Qadar:

Aabe hooyo la tasho arrintaan ha la dhameeyo inta aysan ceeb nala doonin waan hubaa wax anaga na dhibayo ayaa ay sameyn doontaa

 

Aabe Warsame:

Aabe I maqal Qadar waxba maskaxda ha iska mashquulin Falis haddui ay meel is geliso iyada ayaa is dhibtay haddii ay wadada ka raacdana gurigayga fursad uguma furna

 

Qadar:

Ninkaas aniga waa garaacay mana ah wiil reer sharaf leh ka dhashay waana hubaa xataa haddii uu mehersado inuu wadada ku soo diri doono

 

Aabe Warsame:

Taasi haka welwelin aabe Falis weli hadal ayaa igu laaban hooyadaa waan la hadlayaa aniga igu idaa arrinkaan

 

Sidii ayaa uu Qadar xafiiskiisa ku aaday aad ayaana u daneynayey in usbuucaan gudahiis la mehriyo Falis oo tani lug xer looga dhigo.