Falis qolkii ay xalay gashay kama soo bixin cuntadana waxaa qolkeeda ugu geyneysay Yaasmiin cid ay la hadashay ma jirin Hooyo Maryan ayaa salaadii Duhurka markii ay tukaday ayaa ay u soo gashay oo ay ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Haye Falis ma halkaan ayaa uu xaalkaaga joogaa runtii aniga iyo aabahaa waana niyad jebisay ma ogtahay kalmadihii aad xalay ku hadleysay.

 

Falis:

Hooyo wax qaldan ma sheegin gabarna wiil waa shukaansataa maxaa kale

 

Hooyo Maryan:

Aniga arrinkaagan nabar aan filaayey ayuu ii ahaa balse aabahaa oo weligiis ku daafici jiray isna manta ayaa uu ku bartay ee ii sheeg wiilka yuu yahay.

 

Falis:

Waa wiil maxaa kale

 

Hooyo Maryan:

Naa inuu wiil yahay waan ogahayee yuu kuu haa

 

Falis:

Waan is rabnaa

 

Hooyo Maryan:

 

Waa ina aayo

 

Falis:

Aniga ciduu yahay maxaan ka aqaan

 

Hooyo Maryan:

Oo hadda wiil aadan aqoon miyaad sidaan oo dhan ugu kalsoon tahay

 

Falis:

Hooyo jaceyl dhab ah ayaa naga dhaxeeyo axdi meel waan dhiganay maxaa cidiisa iga galay

Hooyo Maryan:

Saacadaanba waan garanyey waa cunug xun oo timaha xiirxiirta oo surwaalkana ma siibmi raba ee mid ma kuu sheegaa naftaan Qadar Warsame ka badbaadso

 

Falis:

Hooyo Qadar isaga ma illaah baa maxaa la igu cabsiinayaa

 

Hooyo Maryan:

Aniga mid adiga kuu dan ah ayaan kuu sheegayaa ee I maqal gurigaas in aad ka baxdana ha isku dayin waa haddii aad nolol rabto Qadar meeshaas gasho waa uu kaa keenaa waana kaaga digayaa in ninkaas aad raacdo

 

Hooyo sidii ayaa ay ku baxday oo jikada ku aaday Aaabe Warsame ayaa maalintaas xilli hoire soo laabatay oo markii uu qadeeyey oo uu sariirtisa tagay ayaa uu Xaajiya Maryan u yeeray markii ay timid ayaa uu soo fadhiistay oo uu ku yiri

 

Aabe Warsame:

Ka waran Falis manta ma baxday

 

Hooyo Maryan:

Maya Xaaji waa joogtaa waana u digay aniga

 

Aabe Warsame:

Walaahi waan u cabsanayaa aniga gabadhaan kaalay mala falay maxay tahay sida ay wiilkaan ugu waalan tahay ma ogaaday wiilka cida uu yahay iyo meesha uu ka soo baxo

Hooyo Maryan:

Yaasmiin ayaan werydiiyey waxa ay ii sheegtay in aysan waxba kala socon balse magaciisa ayaa ay igu sheegtay inuu Yaasiin yahay xaafada kale waa uu ka yimaadaa

 

Aabe Warsame:

Intaas Qadar ayaa ii sheegay

 

Hooyo Maryan:

Ka waran ma degsaday mise waa uu xanaaqsan yahay weli

 

Aabe Warsame:

Walaahi Qadar xanaaqiisa waa sareeyaa waxa uu I soo jeediyey in wiil aan ku mehrino Falis

 

Hooyo Maryan:

Xaajiyow wiilka halkee ayaa uu noo joogaa

 

Aabe Warsame:

Qadar waxa uu leeyahayAbit Geesey wiilkiisa Nuur aan ku mehrino annaga aan ku dhaqno

 

Hooyo Maryan:

Ma xuma laakiin Xaajiyow markaan reerkii wiilka dhalay inta aan u tagto aan ku niraahno wiilkiina gabadheena ha guursado sow uma ekaaneyno cid wax qarinayo oo gabadhooda balo wado taasi waa nagu ceeb laf ahaanteena xaalkana meel uusan jirin yaan la geynin.

Aabe Warsame:

Taa laf ahaanteyda waan is weydiiyey illaahay amuuraha ha sahlo ee gabadhaan banaanka ka ilaali oo il gaar ah ku eeg Yaasmiina la saaxiib si ay sirteeda noogu soo sheegto.

 

Hooyo Maryan:

Xaajiyow Yaasmiin waa miskiin haday doonta warba looma sheegayo waansa dadaalayaa Inshah Allah.

 

Falis maalintii labaad ayaa uu telkeeda dansan yahay xataa haddii loo keenay ma aysan shidan waxayna diidaneyd in tani xaalka uu ku sii adkeeyo Yaasiin waa uu ku daalay meel uu kala xariiro ma laheyd xaalkeeda ayaa uu rabay inuu ogaado.

 

Mursal laf ahaantiisa xaalka kama war haayo in xaalad adag ay guriga ka jirto uun ayaa uu dareemi karay Yaasmiina banaanka uma soo baxda telkeeda ma uusan aqoon balse markii dambe telkeeda ayaa uu ka helay gabadh kale uu xaafada ku bartay oo isaga oo shaqada ka soo rawaxay wadada kula kulmay oo ay u sheegtay inta uusan guriga soo gaarin ayaa uuna garaacay oo markiiba ka qabatay waxa ayna u sheegtay in ay caawa soo baxeyso tii ayaa uu ku lab qaboobay.