Mursal maalintii ayaa la dheeraatay waxa uu xilli kasta fiirin iyo tiring ku haayey waqtiga waxaana ugu dambeyn dhacay aadamkii salaadii Maqribka,

Waxa uuna u jiheysay misaajidka oo in cabaar ah u jiray markii uu salaadii soo tukaday ayaa uu soo abaaray halkii uu ka heli karay Yaasmiin oo caawa la kulankeeda muhiimad gaar ah u lahaa waxa uuna habeenkaas noqday habeenkii ugu horeysay ee uu isaga goobta ku soo hormaray tan iyo markii uu aqbalay jaceylkii Yaasmiin.

 

In cabaar ah ayaa uu sugay markii ay timid ayaa uu salaantii ku boobay oo uu ku yiri

 

Mursal:

I waran Yaasmiin ma fiican tahay waad soo daahday maxaa ku helay

Yaasmiin oo la yaaban hadalka badan ee uu is raaciyey ayay ku tiri

 

Yaasmiin:

Waa fiican nahay mana soo daahin ee adiga ayaa dhaqsaday xaalkaaga ka waran

 

Mursal:

Alxamdullaahi xaalka guriga ka waran

 

Yaasmiin:

Alxamdullaahi waa degan yahay

 

Mursal:

Falis xaalkeeda ka waran maxaa dhacay habeenkii ilaa hada ma helin cid ii sheegta

Yaasmiin:

Walaahi waxay u aheyd habeen qalqal maxaa yeelay Qada tani waa uu la gaadaayey

 

Mursal:

Side

 

Yaasmiin:

Qadar sidiisaba Falis marnaba kuma kalsooneyn waana sababta uu xilli kasta iyada u ilaaliya waxa uuna isku soo arkay iyada iyo Yaaasiin halkaas isaga iyo Yaasiin gacanta iskula tageen.

 

Mursal:

Walaahi waa cajiib armuu Falis dilay

 

Yaasmiin:

Gacantiisa waa ay gaartay balse dhib muuqda ma gaarin laakiin Falis qaladka oo dhan iyada ayaa leh maxaa yeelay Aabe mar kasta iyada ayaa uu garab siin jiray laakiin manta iyada ayaa garabkiisa ka baxday.

 

Mursal:

Oo maxay tiri

 

Yaasmiin:

Walaahi hadalo aan ku habooneyn ayaa ay Aabe ku titi waana uu ka xanaaqay ilaa iyo hada lama hadlo waxa uuna maray in aysan banaanka u soo bixi Karin.

Mursal:

Nin reerkeeda aan u rabin waxaa ila wanaagsan in ay iska ilaawdo maxaa yeelay haddiiba reerka ay ku qanacsaneyn siduu xiriirkaas u hirgeli karaa.

 

Yaasmiin:

Walaahi waa ay madax adag tahay Falis mana laga dhaadhicin karo Qadar kama daba haro intaa waa uu daba socdaa oo xataa dhalinta xaafada ayaa uu u adeegsanaa walaahi aysan meelna kaga baxsan karin.

 

Mursal:

Walaahi waa dhib hadana Qadar aniga qaladka ma saarayo maxaa yeelay waa wiil waana uu cabsanayaa walaashiis adiga ka waran in aad banaanka soo fadhiisato armaa laguu diidayaa.

 

Yaasmiin:

Kolay sheekada socota aniga waxba kuma lihi qof si gaar ah ila hadashay ma jirto

 

Mursal:

I maqal Yaasmiin aniga qaali ayaa igu tahay ma doonayo in wax saharafkaaga wax u dhimayo in ay ku soo gaaraan waliba aniga dartey ee haddii aan laguu ogoleyn banaanka aniga dhib uma arko ee telka ayaan ka sheekeyneynaa.

 

Yaasmiin:

Maya Aboowe dhib ma jiro anigana markii horeba ma aheyn qof socod badan mana bixi jirin shaki gaar ah oo la iga qabana ma jirto ee adiga is deji.

 

Mursal:

Maasha allah kolay kulsmadeena waa sidoodii caawa Adam ayaa xanuunsan marka ma sii joogo karo intaa oo uu wax u baahdo

 

Yaasmiin:

Haye walaal Habeen wanaagsan

 

Mursal:

Wanaagsan Abaayo Falisna igu salaam

 

Sidii ayaa habeenkii lagu kala tagay Yaasmiin Salaantii loo faray waa ay gaarsiisay Falis

 

Falis Habeenkaas ayaa ay Telkeeda shiday cidii ugu horeysay ee soo wacdana waxa uu ahaa Yaasiin oo xilli kasta garaacista numberkeeda aan ka daalin markii ay aragtay inuu Yaasiin yahay cida soo wacday ayay albaabka oo u furnaa ay xertay oo telkiina ka qabatay oo ay ku tiri.

 

Falis:

Haye macaane waan hubay in aad I soo waceysid

 

Yaasiin:

Horta xaalkaada ka waran ma fiican tahay armuu ku dilay ninkii walaanaa

 

Falis:

Maya walow amar culus la igi soo rogay

 

Yaasiin:

Muxuu yahay amarka

 

Falis:

In aan guriga ka bixi Karin habeen iyo Maalin

 

Yaasiin:

Ma waalidkaa ayaa arrintaan gaaray

 

Falis:

Haa laakiin macaane dhib malaha waan is arkeynaa tanina waa maalmo waa jaceylkeena imtixaankiisa inshah allah waan ka gudbeynaa

 

Yaasiin:

Sax waan ka gudnbeynaa waliba si wadajir ah

 

Falis:

Aniga ma jirto cid igaa maanici karto

 

Yaasiin:

Maxay nagu maanici karaan ileyn wax qaldan maba sameynin

 

Falis:

Inshah allah amuuraheena qeyr ayaa ay ku dambeyn doonaan telkana waa in aan damiyaa waa intaas oo qolka la igu soo galaa.

 

Yaasiin:

Haye macaanto iska demi waa dhibaato kale haddii ay telka kaa sii qaadaan Waan ku jecalaha mar kasta qalbiga ayaan kugu haayaa.

 

Falis:

Sidoo kale macaane.