Falis sidii ay u sii socotay ayey tiigsatay halkii ay kula balansaneyd Yaasiin waa guriga Xaawa kiin oo laamiga dhinaca kale ka jiray waana halka ay labadii jeer ee hore ay kula kulantay,

Waxayna aamisaneyd in ay tahay meel aan marnaba laga soo ogaan Karin Yaasiin oo labo jeer oo hore xaafada yimid ayaa goobta kaga sii horeeyey markii isha la isa saaray ayaa salaam la isku marxabeeyey markiibana fadhiga ayaa lagu laabtay Falis oo hadalka furtay ayaa tiri.

 

Falis:

Ii waran macaane nolosha ayaa sidaan noqotay in mudo kadib aan mar cabsi ku kulano

 

Yaasiin:

Aniga caawa go’aan ayaan halkaan la imid

 

Falis:

Haye muxuu yahay go’aanka

 

Yaasiin:

Horta Abti Illaah ha u naxariisto ma xanuunsanaa

 

Falis:

Aammiinn xanuun uu la jiifay ma jirin ma aqaan haddii uu wax u qarsanaa misaajidka ayaa uu ka soo baxay halkii ayaa uuna ku dhacay.

 

Yaasiin:

Alxamdullaahi illaahay qabrigiisa waasac ha kaga yeelo

 

Falis:

Aamiin muxuu yahay go’aan aad caawa noo wado

 

Yaasiin:

Macaanto aniga si dhab ayaan kuu jeclaa waxaana kuu heystaa in aad tahay jeex aniga iga mid ah mana aqbali karo in aan sidaan isu soo dhuudhuumano.

 

Falis:

Maxaan yeelnaa laf ahaanteyda samirka ayaan dugsanayaa maxaanse badali karnaa

 

Yaasiin:

Waan badali karnaaa maxaa yeelay dad waa weyn ayaan nahay teena waa in aan u tashanaa oo go’aankeeda qaadanaa

 

Falis:

Maxaad talo ku soo jeedin laheyd

 

Yaasiin:

Macaanto ma aha in muxubo annaga oo isku qabno aan meel kala gooni ah aan qalbi jab la yuurarno waa in aan nolosheena go’aaminaa

 

Falis:

Macaane weli kuma fahmin bal hadalka si waadax igu dhig

 

Yaasiin:

Macaanto ma i jeceshahay

 

Falis:

Taasi miyaa is weydiin leh sow jaceylkaan kuu qabo maaha waxaan masaafada dheer aan u soo galay caawa

 

Yaasiin:

Hadaba ma igu kalsoon tahay

 

Falis:

Weliba si weyn

 

Yaasiin:

Hadaba caawaba aan ka faa’ideysano maqnaaashaha Aabaha oo aan is mehersano

 

Falis oo la yaab iyo fajac ku noqotay ayaa amusnaan ka soo hartay Yaasiin oo gartay in gabadha ay warka ka naxday ayaa la soo booday.

 

Yaasiin:

Side ahaan macaanto maxaa kaa yaabiyey miyeysan kula aheyn in aan ku guursanayo maxaad la yaabtay

 

Falis:

Yaasiin waa ku side maxaa tiri aan is meher xadno taasi waa arrin qalbigayga ka weyn abidna aan ku fikirin maya maya

 

Yaasiin:

Macaanto I faham meherkaan maaha mid aan isla caawa aan ku kaxeysanayo waxaan ka wadaa inuu noqdo mid is difaacid ah ileyn waxaan ka baqayaa in waalidkaa ay nin kugu mehriyaan.

 

Falis:

Maya waalidkay  nin aan rabin ma dhaceyso in ay igu mehriyaan ee adiga is deji sidaas cabsida uma weyna.

 

Yaasiin:

Macaanto reerkaaga marnaba ima kaa ogolaanayaan mana aaminsani xataa haddii aan ku soo doono in ay igaa hibeyn doonaan.

 

Falis:

Aabahay mise qof kale gabar iskuma dhajinayo xoolo kama rajeeyaba ee macaana arrinkaas meeesha ka saar arrinkeena xal waa loo helaa cabsida waan ka baxeynaa.

 

Yaasiin:

In aan ku waayo ayaan ka baqayaa macaanto

 

Falis:

Maya macaane waxba ha cabsan xaalka meesha uu hada joogo ha ka soo dego aniga ayaa aabahay ku bari doono waana hubaa waa uu kugu qanci doonaa.

 

Yaasiin oo ka daalay inuu fikirliisa liqsiiyo Falis ayaa ugu dambeyn aqbalay diidmadeeda balse xaalkaan ma noqon doonaa mid uu si buuxda kaga tanaansulo ileyn Yaasiin waa ay ka go’neyd inuu Qadar maqaayadaha ku bahdilo oo uu walaashiis ka xareysto.

 

Miskiin Falis hadafka Yaasiin waxba kalama socon waxa ay aheyd mid jaceylka uu indho tiray sidii ayay habeenkii ku kala tageen iyada habeen kale fursada ha isu kaa kulmiso lagu wada duceystay.

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.