Falis sidii u soo socotay ayay si toos xaafada u soo abaartay waxaana ilinka weli ku sugaayey Mursal oo ay iyada ku tiri I sug,

Mursal ma isagaa baxayo tani janno ayay u aheydee halkii ay isaga iyo Yaasmiin fadhiyeen markii ay Falis u soo dhawaaday ayay ku tiri

 

Falis:

Maasha allah mucaashiqiinta waad I sugeyseen haye

 

Yaasmiin:

Sowtu adiga nagu yiri I suga maxaa kale

 

Falis:

Alla kaalay fadhigiina waa qaldan yahay bal fiiri inta idiin dhaxeyso ma sidaan ayaa mucaashiqiin ku tihiin

 

Falis in ay dhexdooda fadhiisatay ayay ku tiri

 

Falis:

Haye bal arka dhexdiina ayaa qof keli kara jaceylkaaba dhaxan ku disheen

 

Mursal inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Mursal:

Caawa faraxada waa lagaa dareemayaa haye maxaa soo kordhay

 

Falis:

Yaanan meel kale hadalka la ii saarinee maxay tahay sababta aad u kala fogaaneysaan miyaadan maxabada jaceylka idiin heyn

 

Yaasmiin:

Haye caawa ma annagaa mashuul naga dhiganeysaa

 

Falis:

Maya Yaaska walaahi looma baahna fogaanshaha xadkaan ah sheydaan inuu dhexdiina galo ayaad u sahleysaan

 

Yaasmiin:

Hadda sheydaanka waa adiga ee naga bax

 

Mar kaliya ayaa la wada qoslay

 

Falis:

Horta mursalow walaashey kolay bil ka badan waad wada socotaan ka waran jaceylkeeda mala ashqaraartay mise weli kuma ligligin.

 

Mursal:

Caawa erayo waa weyn ayaad ku hadleysaa ma jeceylkaa adiga kaa tan badiyey

 

Falis:

Mar hore ayaa uu kaa meel igu xertay waan hubaa Yaasmiin waa uu ligligay laakiin xishood iyo afgaabni ayay I dheer tahay.

 

Yaasmiin:

Falisey hadaan guriga naga gasho ka waran waad na qastay

 

Falis:

Haye malaha sheeko ayaan idiinka qasay waan baxayaa

 

Mursal:

Sheeko ma aadan qasin ee Yaasmiin ayaa sir aysan ii sheegin ka faafineysaa

 

Falis:

Mursalow Yasmiin waa qof degan oo mudan in nolol lala wadaago ma ogtahay in aan ka maseyro deganaanta iyo xishoodkeeda markaan arko.

 

Mursal:

Waa runtaa Falisey

 

Falis:

Haye Yaasmiin walaahi runta ayaan ka hadlayaa caawa ha celin aan wax walba u sheego Mursal

 

Yaasmiin:

Kolay waxa caawa kaa hadlinayo wax yar maaha ee faraxada aan kula wadaagnee noo sheeg

 

Falis:

Faraxad soo korodhay ma jirtee adiga iyo Mursal ayaan idiinku faraxsan nahay illaahay kuwii is calfada ha idiinka yeelo.

 

Yaasmiin:

Aamiin walaasheyda qaaliga ogow Mursal beri shaqo ayaa uu leeyahay adiga iyo aniga caawa xil gooni ayaa la na saaran ileyn Hooyo ma joogto sow ma galno.

 

Mursal oo doonayey in la sii joogo ayaa isaga oo Yaasmiin warka ku raacayo ku yiri

 

Mursal:

Haa Falisey habeeno kale ayaa badan oo sheekada aan isku dhuri doonaa haye Habeen wanaagsan

 

Falis:

Wanaagsan Mursal waa ku side sida aad aniga ii macasalaameysid miyaad xabiibtaada aad habeen wanaagsan u leedahay miyaadan oroneynin caawa igu riyow oo qalbiga igu haay.

 

Inta uusan Mursal Jawaabin ayaa Yaasmiin soo jiiday oo guriga gelisay Mursal isaga oo qoslayo ayaa uu xaafadiisa aaday sidii hablihii gurigooda ku galeen.

Waa Mar iyo dhif in fursadahaaga ay noqdaan kuwa kuu hiiliya saakana qabar wanaagsan ayaa u soo yeeray Falis kaa oo ahaa in habeen kale ay maqnaan doonaan reerka oo tacsiyda la go’aamiyey in la soo gabagabeeyo iyadoo markii hore Hooyo Maryan soo jeedisay in Xamar tacsiyada lagu Dhigo.

Hooyo Mukulo oo aheyd Abti Geesey hooyadiisna la kaxeeyo walow Hooyo Maryan iyo Geesey aysan habraha ka wada dhalin oo ay odoy wanaag oo kaliya ay yihiin Aabe Warsame iyo wilkiisana waxa ay go’aansadeen in ay sii joogaan waxayna tani fursad fiican u noqotay Falis oo habeen kale ay saaxiibkii nafteeda ay kulmi karaan balse kulanka sidii hore markaan waa ka badashay oo waxay Yaasiin ku casuuntay xaafadooda.

Waliba gurigooda waana ay u sheegtay Yaasmiin oo ay ku tiri caawa waxaan rabaa in dumaashigaa aan ku baro walow yaasmiin aysan warkaan ku faraxin hadana ma dooneynin in farxada Falis ay caqabad ku noqoto.

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.