Falis macmacaanka sameyntooda ayay aad ugu wanaagsanadee waxayna diyaarisay wax kasta oo ay is laheyd habeenkaas miiska waa uu billi karaa xilli hore ayaa ayna ku diyaarisay qolka Fadhiga Yaasmiin oo markii ay ogaaday in gudaha guriga uu cawa u soo gudbayo Yaasiin ayay Falis ku tiri.

 

Yaasmiin:

Kaalay Falis ma inuu gudaha soo galo ayaad rabtaa

 

Falis:

Maxaan ka cabsanaa hee caawa dumaashigaaga ayaan cabsi la’aan barayaa

 

Yaasmiin:

Aniga waan kaa yaaban nahay ka waran haddii iyada oo la fileynin ay Aabe iyo Qadar nagu yimaadaan

 

Falis:

Taasi ha ka cabsan habeen kale ayaa xataa laga yaabaa in ay maqnaadaan ee naga daa cabsida

 

Yaasmiin:

Aniga haddii uu fashil dhaco ogow in ay dembi ku laheyn oo wax wlba cadeynayo

 

Falis:

Maxaad adiga cadeysaa anigaaba dhihi doono Yaasmiin arrintaan wax kalama socon haye iska daa cabsida ee orod oo isa soo diyaari waa uu soo baxay hadda ayaa uu I soo wacay.

 

Yaasmiin iyada oo luuteyso ayay qolkeeda isaga laabatay oo is diyaarin iska gashay xaflad aysan raali aheyn meesha ay u socotana aanan garan ayay isu diyaarineysaa iyadoo cabsi u dheer tahay waxaase wax walba kaga cabsi badnaa markii ay aragtay Mursal oo ay soo hor socoto Falis oo qolka fadhiga sii gelineyso inta ay ka daba gashay ayay Mursal gacan qaatay waxayna banaanka ugu soo wacday Falis oo ay ku tiri.

 

Yaasmiin:

Haye maxaa jira Mursalna maxaad u keentay

 

Falis:

Side xaflada ayaa uu nagala qeyb gala

 

Yaasmiin:

Walaahi waad ka siii badbadineysaa kaalay adiga cabsi maba taqaanid

 

Falis:

Fiiri Dumaashigey ayaan dumaashigaa barayaa maxaa ku qaldan Mursal hadda ayaa uu shaqa ka socdaa aniga ayaa soo qasbay waana waqti yar naga daa cabsida.

 

Yaasmiin in ay ooyso ayaa wax yar kaga harsanaa balse maxay ssameyn kartaa Mursal ayay qolka ugu gashay oo ay ku tiri.

 

Yaasmiin:

Haye ii waran xaalada

 

Mursal:

Walaahi waa kuu fiican nahay caawa waa markii ugu horeysay ee aan gurigiina soo galay

 

Yaasmiin:

Falis ayaa ku soo qasabtay waxaana filayaa in aad daalan tahay

 

Mursal:

Dhib malaha qof igu qaali ah ayaan ku barayaa ayay igu tiri farxada ha ka jiirin ayaan is iri oo aan ku soo raacay.

 

Yaasmiin:

Yaasiin ayay caawa na bareysaa malaha waa iyada oo kale mid waalan

 

Inta uusan hadlin Mursal ayaa mar kaliya ay soo galeen Falis oo uu la socdo Yaasiin waxayna ugu horeyn u geysay Mursal oo ay ku tiri.

 

Falis:

Iska baro wiilkaan waa Mursal waa saxiib igu weyn

 

Yaasiin:

Maasha allah Barasho Wanaagsan

 

Mursal:

Magacaaga ayaan heynay waa inoo farxad in aan caawa ku barano

 

Falis:

Haye macaane qoftaan waa fahmi kartaa waa nafteyda barkeed Yaasmiin walaashay marna saaxiibtey.

 

Yaasiin:

Maasha allah Yaasmiin ii waran waa ii sharaf in aan ku barto amaantaada afka Falis kama dhamaado.

 

Yaasmiin:

Malaha waa ka sii badbadisay sidaa dhan uma wanaagsani

 

Yaasiin:

Wanaaga laguugu sheegay indhahaaga ayaan ka arkaa

 

Yaasmiin:

Mahadsanid walaal soo dhawoow fadhiiso

 

Falis:

Waa sidaas macaane ii fadhiiso

 

Sheeko yar ayaa la galay ka hor inta aysan Falis macmacaankii ay manta oo dhan sameyntiisa ku mashquulsaneyd aysan cid kasta saxan ugu soo diyaarin halkii cabid iyo cunis lagu galay cunistii kadib ayaa uu Mursal ka cudur daartay oo uu yiri.

 

Mursal:

Falisey caawa sharaf ayay ii aheyd in aan halkaan igu casuunto waanse kaa cudursaaranayaa oo waad ogtahay sida aad shaqada kaga mid inaan ahay.

 

Falis:

Maasha allah waad ku mahadsan tahay sida aad ii sharaftay waana ku fasaxayaa haye macaane sow sidaa maaha.

 

Yaasiin:

Waa saas barasho wanaagsan mar kale Mursal inshah allah kulankeena intaan waa ka badan doonaa

 

Mursal markiiba waa uu baxay waxaana hore u sii sagootisay oo ilaa irida geysay Yaasmiin kadibna aan ku noqon qolkii ay fadhiyeen Falis iyo Yaasiin oo banaanka ayay iska fadhiisatay habeenkaas haddii la xisaabi lahaa wadnaaheeda dhaqaaqa uu sameeynayey hubaal ayay aheyd in sidii caadiga uu dhaafay oo garaacis xoogan uu sameeyanyey qaar hablaha xaafada ah ayaa la soo fadhiistay intaas.

Sheekada la haayey iyada marnaba lama socon oo waxay indhaha ku heysay illinka guriga oo ay mar kasta fiirineysay in ay soo baxeen waxayna qalbiga ka oroneysay meey soo baxaan Falis oo aan cabsiaa oo dhan aan qabin ayaa sheeko iyo qosol ku jirtay oo hadaba macmaacaan inta ay soo qabato ayay Yaasiin afka u gelineysay.

 

Yaasmiin waxay cabsi ku jirtaba oo mar kasta damacdo in ay u tagto oo ay ku tiraahdo Naa wiilka soo bixi yaanan dhib gelinee ayaa illaah qadiray in ay soo baxaan tani ayay Yaasmiin u aheyd Farxad Falis hore ayay u sii kaxeysay oo markiiba ka soo laabatay oo sidii gurigooda ku galeen.

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.