Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, waana safarkii labaad oo muddo shan bil gudahood uu ku tago dalkaas.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee SONNA Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo lagu xoojin doonala yeelan doona Madaxda dalka.

Qatar ayaa ah taageeraha ugu weyn ee xilligan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dhaqaale fara badan ku bixiso taageerida dowladda Federaalka.

Kaddib khilaafkii dalalka Khaliijka ayaa waxaa soo baxayay loolan u dhaxeeyay dalalka Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Qatar oo ku aadan arrimaha Soomaaliya, balse xilligan ay Qatar ayaa kaga saameyn badan arrimaha Soomaaliya dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waa dalka ugu badan ee Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay booqasho ku tageen labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ay ku tageen safaro dhowr ah.

Inkastoo Qatar saameynteeda ay soo bixi jirtay marka la gaaro xilliga doorashada ka dhaceyso Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay door xoog leh ku laheyd labadii doorasho ee dalka ka dhacay sanadihii 2012 iyo 2017, hadana saameynteeda xilligan waxay soo bixisay ifafaalo muujinaya danaha Qatar ka leedahay Soomaaliya mustaqbalka soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay arrimaha khilaafka Khaliijka, kaddib markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dalka Qatar, hase ahaatee siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka baxday dhex dhexaadnimadii oo ay u janjeerto dhanka dalka Qatar.