Tartan lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduunka oo shalay ka dhacay Muqdisho

by A M | Saturday, Aug 13, 2016 | 3897 views

Agosto 13 (Jowhar)— Ciyaar Kubada Kolayga oo lagu maamuusayay Maalinta Dhalinyarada Adduunka ee 12-ka Agosto ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Kubada Kolayga ee EX Luujino degmada C/casiis.

Tartankan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Dhalinyarada Maanta ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha kubada kolayga ee Heegan iyo Dekeda, waxaana daawashada ciyaartan ka soo qeyb galay dadweyne fara badan, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale

Kooxda Kubada kolayga ee Dekeda ayaa badiyay, waxaana la guddoonsiiyay koobkii loogu tala gala munaasabada.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ololeeya nabadeynta iyo arrimaha bulshada, lana filayo inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha ayaa guddoonsiiyay Koobka Kooxda Dekeda, waxaana uu bogaadiyay sida ay u muujiyeen ciyaar wanaagsan.

Mr Jabriil ayaa sidoo kale ku bogaadiyay dhalinyarada soo qaban qaabisay Tartankan, biseylka ka muuqda, waxaana uu xusay in dalkan uu sugayo hoggaan dhalinyaro ah oo horumar ku hogaamin kara.

 

kolay kolay1 kolay2 kolay3 kolay4 kolay5 kolay6

Like it? Share it!