Tartanka gabdhaha kubbadda kolayga Maamul goboleedyada oo lagu soo gabagabeeyay Garowe

by mahad | Monday, Dec 26, 2016 | 7241 views

December 26-(Jowhar) Tartan ay ciyaaraha kubbada kolayga gabdhaha ee maamul goboleedyada dalka oo ka socday maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ayaa la soo gabagabeeyay.

Tartankan oo ay ka qeybgaleen kooxo ku ciyaarayay magaca gabdhaha Maamulka gobolka Banaadir,Maamul goboleedka Hirshabeelle,Puntland iyo Galmudug.

Ciyaarahan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxa uu ahaa mid aad u xiiso badan iyadoo dadweyne faro badan ay u soo daawasho tegayeen.

Kulankii kama dambaysta ahaa ee tartankan ayaa waxaa isugu oo haray Banaadir iyo Hirshabeelle kadib markii ay ka soo kala badiyeen Puntland iyo Jubbaland.

Ciyaartaa oo dhacday maanta ayaa waxaa ay ahayd  mid xiiso badan, maadaama gabdhaha labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar xifaaltan ku dhisneyd.

Hase yeeshee waxaa ku guuleystey koobka gabdhihii u ciyaarayay gobolka Banaadir kadib markii ay ka dhaliyeen xulka Hirshabeelle 66 dhibcood halka ay Xulka Hirshabeelle ay keensadeen 46 dhibcood.

hirshabele

ciyaar-1

ciyaar-2

ciyaar-3

ci

Munaasabada lagu soo xirayay Tartankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,Xiriirka Kubbada Kolleyga, iyo xubno kale, waxaana koobkii la gudoonsiiyay Gabdhaha Gobolka Banaadir.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bilaabashadii Tartankan ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in uu yahay mid lagu fasahaadinayo Gabdhaha Soomaaliyeed, dano gaar ahna laga lahaa.

 

Like it? Share it!