Toos;Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho

by mahad | Wednesday, Jan 11, 2017 | 50 views

January 11 (Jowhar)—Waxaa si rasmi ah ugaga  bilowday xarunta golaha baarlamaanka ee magaalada Muqdisho doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo ay ku tartamayaan afar musharax.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid  Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar .

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay diyaar yihiin oo ay codeynayaan 136 xildhibaan,iyadoo ay doorashadana musharixii hela 139 cod uu si toos ah ugu guuleysanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Doorashada Wareega koowaad ayaa bilaabatay iyadoo ay ugu horeeyn codeeyeen guddiga doorashada iyo guddoonka kumeelgaaarka ah.

Kala soco doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka jowhar.com

Like it? Share it!