Ururka Dhallinyarada Kanava oo Muqdisho ku soo bandhigay arday dhameysatay xirfado kala duwan (Sawirro)

by A M | Saturday, Jul 19, 2014 | 2475 views

Ururka Dhallinyarada Kanava ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigay arday dhameysatay xirfado kala duwan oo ay baranayeen muddo shan bilood ah, waxaana munaasabad lagu guddoonsiinayay shahaadooyin ka soo qeyb galay Aqoonyahano, madaxda ururrada ka qeyb qaatay taaba gelinta mashruucaan lagu tababaray arday tiradoodu gaareyso 159-arday.

Madaxda ka soo qeyb gashay munaasabadaan waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha ururka Dhallinyarada Kanava Salaad Xasan Cali, Guddoomiye K/Xigeenka Kanava Liibaan Maaxi Macallim, Madaxa Hay’adda ARC Axmed Jaalle, Ustaad Carabow Ibraahim oo ka socda Wasaaradda Dowladda Federaalka, Prof. Guure oo ka socday Ururka Havoyoco, Jaamacadda Muqdisho iyo aqoonyahano kale.

Guddoomiye K/Xigeenka Kanava Liibaan Maaxi Macallim ayaa ka warbixiyay tababarka dhallinyarada ay ku bareen xirfadaha kala duwan oo uu sheegay inay ka koobnaayeen toddobo qeyb, kuwaasi oo iyagu ka faa’iideystay tababarka mudada shanta bilood ah u socday.

“Ardayda waxaa la baray sida Rakaamaha loo sameeyo, maamulka xafiisyada (Office Management), Qaabka soo dhoweynta dadka (Hospitality), Accounting (Xisaabaadka), Karinta iyo rinjiyeynta dharka (Tie And Dye), Rakaamada (Embriodiery), Dhismaha, naqshadeynta iyo rinjiyeynta guryaha (Construction) iyo Korontada (Eletricty)”  ayuu yiri Liibaan Maaxi Macallim oo sheegay in ardaydaan ay soo mareen marxalado kala duwan.

Md. Liibaan Maaxi waxa uu u mahad celiyay dhammaanba hay’adihii gacanta ka geystay hirgelinta mashruucaan, isagoona kula dardaarmay ardayda dhameysatay xirfadahooda inay uga sii faa’iideeyaan asaagooda aan nasiibka u helin barashada xirfadaha.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay mas’uuliyiinta kala ah: C/qaadir Gacal Abkow oo ah Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka, Ustaad Carabow, madaxa hay’adda ARC Axmed Jaalle, Prof. Guure kuwaasi oo dhammaantood khudbadihii ay jeediyeen si weyn ugu gubaabiyay dhallinyarada inaysan lumin jaaniska ay nasiibka u yeesheen, isla markaana looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan kuna shaqeystaan xirfadihii la baray.

Ugu dambeyntii waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ardayda ku guuleysatay barashada xirfadaha kala duwan, iyadoo ardayda lagu kala magacaabo Axmed Macallim Haaruun iyo Leyla Axmed Yuusuf oo munaasabadaasi khudbadka jeediyay ay uga mahad celiyeen Kanava iyo dhammaanba ururradii ku taageeray mashruucaan, waxayna ballanqaadeen inay ka faa’iideysanayaan xirfadihii la baray isla markaana aysii bari doonaan asaagooda si ay iyana uga sii faa’iideystaan.

 

 

 

 

DSC00381 DSC00415 DSC00437 IMG_0034 IMG_0037 IMG_0044 IMG_0046 IMG_0069

Like it? Share it!