Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo maalintii labaad xiran iyo ciidamada oo howl gallo wada

by A M | Sunday, Feb 22, 2015 | 2790 views

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad ah kuwo xiran, iyadoo ciidamada ammaanka ay wali howl gallo ka wadaan.

Wadada isku xirta Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha ayaa ah mid gebi ahaanba xiran, mana jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jiray wadadaas.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa tan iyo shalay wadadaas ku sugnaa, iyagoo taagnaa jid walba, dadka iyo gaadiidka ayaa ahaa kuwo loo diidayay.

Xirnaanshaha wadada ayaa ka dambeysay booqashada Madaxweynaha Jabuuti uu ku yimid magaalada Muqdisho maalintii shalay aheyd, iyadoo xalay uu markii u horeysay ku hoyday.

Saraakiisha Laamaha ammaanka ayaa sheegay in xirnaanshaha wadooyinkan ay kaga gol leeyihiin sugida nabadgelyada iyo ka hortaga falalka amni dari ee imaan kara.

Wadooyinka Muqdisho qaar ayaa ah kuwo loo xiro marka ay wafuud caalami ah soo degaan, iyadoo saameynta ugu badan ay ku yeelato shacabka.

Like it? Share it!