Al-shabaab oo weerar kedis ah ku qaaday degmada Marka

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in caawa ay weerar kedis ah ku soo  qaadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab iyagoo gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Marka.

Dadka ku sugan magaalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaafado ka mid ah magaalada ay la wareegeen Al-Shabaab balse weli dagaalku uu soconayo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday magaalada Marka iyadoo ay tahay markii labaad ee ay weerar xilli maqribnimo ah ay Al-Shabaab ku qaadaan xarunta gobolka Sh/hoose oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowlada.

Inta badan xaafadaha magaalada Marka ayaa dadkii degenaa ay isaga barakaceen iyagoo soo galay magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ka mid ah gobolka Sh/hoose.