Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale, waxaa dagaalka uu ahaa mid culus oo saacad ku dhow socday.

Dagaalayamaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wadada u galeen kolonyo ciidan oo galbinayay Odayaal dhaqameedyo ku sii jeeday degmada Bardaale.

Weerarka ayaa ku bilowday miino wadada lagu aasay, kaasoo lala eegtay gaadiidka ciidamada ay saarnaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaa ciidamada ka dhintay labo askari, halka 8 kalena ka dhaawacantay.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen khasaare xoog leh, isla markaana ay iska caabiyeen weerarka.

Odayaal dhaqameedyadii ay ciidamada galbinayeen ayaa la sheegay in aysan wax dhibaato ah soo gaarin, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee weerarada dhaba-galka ka fuliyaan Al-Shabaab.