Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaano dhowr ah, iyadoo la soo sheegayo inuu socdo howl gallo ballaaran oo ciidamada ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda ayaa Al-Shabaab ka qabsaday deegaano hoos taga Baraawe, halkaasoo aheyd goobaha Shabaabka weerarada ka soo qaadayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Baraawe, wuxuuna kala hadlay xoojinta amniga.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in howl galada ka socda Gobolka ay yihiin kuwo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan, waxaana labadii maalmood ka socday gobolka dagaalo iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa la sheegaa inay tahay meelaha ay ka soo abaabulaan weerarada qaraxyada ismiidaaminta ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale.