Isgoyska Sanca oo iska hor imaadka ka dhacay

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa maanta is rasaaseyn ku dhex martay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana is rasaaseynta ku dhintay labo askari, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Is Rasaaseynta ayaa timid, kaddib markii ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwo Xasilinta Caasimadda ay ku amreen inay hubka dhigaan ciidamo kale, waxaana kaddib bilowday is rasaaseynta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada la dilay laga qaatay labo qori, waxaana goobta ka tagay Ciidamadii Xasilinta ahaa.

Ciidamada loo yaqaano Xasilinta ayaa Isgoysyada qaar ee magaalada ku leh bar koontarool lagu hubiyo gaadiidka, laguna baaro dadka saaran.

Xaalada Isgoyska Sanca ayaa muddo saacad ku dhow aheyd mid dagaal, iyadoo lagu kala cararay, markii uu iska hor imaadka dhacay.