Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta sagootiyay wiil 7 sano jir ah oo qaba wadno xanuun, kaasoo maanta caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, kaddib markii dhowaan Guddoomiyaha uu kafaala qaaday caafimaadkiisa oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Guddoomiye Taabid ayaa wiilkan 7 sano jirka ee lagu magacaabo Maxamed Cumar Maxamed uu u rajjeeyay safar caafimaad oo guul ah, isagoo alle uga baryay inuu caafimaad taam ah uu siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ka warheyn doonaan xaaladiisa caafimaad, marka uu tago dalka Turkiga, isla markaana illaa inta isagoo caafimaad qaba uu dalka dib ugu soo laaban doono ay la socon doono.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Guddoomiye Taabid uu taageero caafimaad u fidiyay Wiilka yar ee wadnaha ka xanuunsanaya, kaasoo ka soo jeeda qoys danyar ah, waxaana Guddoomiyaha uu guddoonsiiyay wiilka yar Viiso Caafimaad oo dalka Turkiga ah, si loogu soo daweeyo.