Dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaal degmada Kaxda

Dab khasaare hantiyadeed geystay ayaa xalay ka kacay degmada Kaxda ee Koofur galbeed Gobolka Banaadir, waxaana dabkaas uu ka dhashay cilad koronto.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay in dabka uu markii hore ka kacay dukaan ku yaal Xaafada saddexaad, waxaana markii dambe uu ku fiday goobo ganacsi oo kale.

Dabka oo xalay kacay abaarihii 10-ka fiidnimo ayaa waxaa markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, mana jirin khasaare nafeed oo uu geystay.

Gaadiidka dab damiska ee dowladda Hoose ayaa ka qeyb qaatay daminta dabka, iyadoo goobta dabka ka kacay ay gaareen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Sawirro laga soo qaaday halka uu dabka ka kacay ayaa muujinaya afar goobood oo ganacsi oo ku gubtay dabka, isla markaana baabi’iyay dhamaan wixii hanti ee ku jirtay.

Lama soo sheegin tirada rasmiga ah ee hantida ku baaba’day goobaha ganacsiga ee uu dabka qabsaday.