Duulimaadyadii tegeyey magaalada Jigjiga oo dib u bilowday

Wararka ka imanaya magaalada Jig-jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya  in duulimaadyadii u kala gooshi jiray magalooyiinka Addis Ababa iyo jigjiga ay maanta dib u bilowdeen.

Diyaarad siday rakaab ay ka soo qaaday magaalada Addis Ababa ayaa gaartay magalada Jigjiga,iyadoo ay tahay markii ugu horeysay tan iyo Sabtidii ay diyaarad ka degto magaalada Jigjiga.

Waxaana si tartiib ah caadi ugu soo  laabanaya nolosha magaalada Jigjiga hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya  in ciidamada milatariga ee dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay ammaanka magaalada Jigjiga ay dadka shacabka ah u diideen in ay ka baxaan magaalada.

Dadka kaliya ee loo  oggol  yahay in ay ka baxaan magaalada ayaa ah oo kaliya dadka aan Soomaalida ahayn ee muruq maalka ka ahaa magaalada.

Qaar ka mid ah shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ayaa shalay billaabay in ay isla nadiifiyaan waddooyinka Jigjiga.

Dawladda ayaa dadaal ugu jirta in ay noloshu caadi ku soo noqoto, inkastoo ay wali taagan tahay hubaanti la’aantii siyaasadeed.