Faah faahin ka soo baxaya qarax miino oo xalay lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo saarnaa gaadiid dagaal oo marayay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, iyadoo qaraxa uu sababay dhimashada illaa labo ruux.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii saarnaa gaariga aanu wax khasaare soo gaarin, hase ahaatee labo ruux oo rayid ah oo goobta ka ag dhawaa ay qaraxa ku dhinteen.

Ciidamada ayaa markii qaraxa dhacay goobta ka qabqabtay dhalinyaro, kuwaasoo la geeyay xarumaha ciidamada ay dadka la soo qabto ku baaraan.

Dhinaca kale waxaa xalay degmada Dharkeenley lagu dilay Oday da’ ahaa, waxaa la sheegay in kooxo hubeysan ay toogteen, kadibna ay baxsadeen.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada ka dhacayay falal amni daro, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana tan iyo markii uu bilowday bisha Ramadaan lagu dilay Muqdisho ku dhowaad 10 ruux.