Allaha u naxariistee fanaanadii ugu horeysay ee ku heesta hees Soomaali ah Shamis Abuubakar Ismaaciil ayaa gelinka dambe ee maanta lagu aasayaa magaalada Hargeysa kadib markii ay muddo dheer xanuunsanayd.

Shamis Abuubakar oo loo yiqiin Gaduudo Carwo ayaa muddo kabadan labaatan sano xanuunsanayd waxayna geeriyootay iyadoo 82 sano jir ah.

Gaduudo Cawro waxaa ay ka mid ahayd Dumarkii soomaaliyeed ee fanka ugu horeeyay ee ka heesa goob fagaare ah, waxaa ay ka tirsanayd kooxdii caanka ahayd ee Waaberi.

Sanadkii 1952 ayay kusoo biirtay fanka waxayna ahayd gabadhii u horeysa ee Soomaalida goob fagaare ah ka heesta islamarkaana idaacada laga dhageysto.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Eng: C/raxman Cumar Cismaan “Yariisoow” ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Shamis obokar oo loo yaqaanay “Gaduudo Carwo” taasoo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladi iyo qoyskii ay ka baxday Allaha u naxariistee Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd fanaaniinta ugu magaca dheer dalkeenna Soomaaliya” ayuu yiri Eng: Yariisoow.