Gaadiid badan  oo ku xayiran wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho

Gaadiid faro badan oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo kuwa rakaabka ayaa ku xayiran wadada ka soo gasha magaalada Muqdisho degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kadib markii saaka loo diiday inay gaadiidkaas galaan gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidkan oo qaarkood ay sidaan qudaar,caano iyo badeecado kala duwan ay ku hoyanayaan kontaroolka laga soo galo magaalada Muqdisho.

Dad rakaab ahoo saaka ka tegey magaalooyinka Jowhar iyo Balcad kuna sii jeeday magaalada Muqdisho ayaa loo sheegay inaysan gudaha u gali karin magaalada iyagoo saaran gaadiidkii ay ka soo raaceen Jowhar balse loo oggol yahay inay ka lugeeyaan kontaroolka.

Hase yeeshee gaadiidka ayaa loo oggol yahay inay ka baxaan magaalada Muqdisho  inkastoo wadooyinka magaalada Muqdisho ay badankood xiran yihiin.

Wadadan ayaa la sheegay inay xirnaan doonto illaa iyo maalmaha ciida oo ku beegan maalinta Jimcaha iyo maalinta Sabtida.