Ciyaaryahankii hore ee kubbada cagta George Weah ayaa noqonaya Madaxweynaha dalka Liberia kadib doorashadii ka dhacday dalkaas talaadadii aynu ka soo gudubnay.

Guddiga doorashada dalka Liberia ayaa sheegay in codadka la tiriyay oo ah 98.1% uu Mr Weah  uu  hogaamiyaha isbahaysiga isbedelka dimuqraadiga uu ku guuleystey codad gaaraya 61.5%.

Ninka la tartamayay oo ah Joseph Boakai ayaa aad uga hooseeya waxana uu  helay codad gaaraya 38.5%.

Mr Weah oo ah 51 sano jir ayaa talada kala wareegaya Ellen Johnson Sirleaf oo ah haweeneydii ugu horeysay ee si dimuqraadi ah loogu doorto wadan ku yaal qaarada Afrika.

Warka ah guusha uu gaaray Mr Weah marka la maqlay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Monrovia ka bilowday dabaaldegyo iyo xaflado ay dhigayaan taageerayaasha Mr Weah.