Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la saftay Dowladda Federaalka (Waan barbar taagannahay dowladda Dhexe)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa cod dheer ku sheegay in aanay jirin wax iska bedelay xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa go’aankii Madaxda dowlad goboleedyada ka soo saareen Kismaayo, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

“Anaga iyo dowladda Federaalka xiriirkeena aad ayuu u fiican yahay, inaan la shaqeyno ayaa diyaar u nahay, waana la shaqeyn doonaa, wax is bedel oo ku yimid ma jirto”ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre oo ka hadlayay furitaankii Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa ammaan kala dul dhacay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku tilmaamay inay tahay dowladdii damaanada shacabka.

“Dowladda anaga kama maarano, anagana nagama maaranto waxaa nahay shacabka ay mataleysaa, waxaa diyaar u nahay inaan la shaqeyno oo aan barbar istaagno, wada shaqeynteena iyo iskaashigeena waa sidii wax is bedel haba yaraatee ma jirto”ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre oo intaa ku daray in aanay jirin wax dhibaato ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay dowladda Federaalka, isagoo sheegay inay faragelin iyo culeys ku heyso maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Halkan hoose ka daawo khudbada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle