Faa’iza Maxamed Cabdi oo 16 jir ah dhaawac culus ka soo gaaray xubinta taranka ayaa taageero caafimaad oo dibadda ah ka heshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo dhowaan lagu wargeliyay xaaladeeda caafimaad in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.

Gabadhan ayaa muddo labo bilood ku jirtay isbitaal ku yaalla Muqdisho, waxaana ay la xanuunsaneysa dhaawac culus oo ka soo gaaray askari ka tirsan Puntland oo bilo ka hor ku dhaawacay magaalada Boosaaso, kaddib markii uu isku dayay inuu kufsado.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kafaala qaaday xaalada caafimaad ee gabadhan oo maanta loo qaaday dalka Turkiga, iyadoo muddo labo bilood la xanuunsaneysay dhibka gaaray.

Guddoomiye Taabid oo gabadha iyo labadeeda waalid ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ugu duceeyay inuu safarkeeda caafimad inuu ka dhigo mid guul leh.

Aabe Maxamed Cabdi oo dhalay Dhibane Faa’iza ayaa uga mahad celiyay Guddoomiye Taabid taageerada uu u fidiyay, iyo balan-qaadka uu u sameeyay.

Guddoomiye Taabid ayaa maalmo ka hor ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wiil yar oo 7 bilood jir ah, kaasoo wadno xanuun qaba, sidoo kale bil ka hor ayuu sidoo kale wiil 6 jir ah uu caadimaadkiisa kafaala qaaday oo loo qaaday Turkiga.

Tallaabadan ayaa ah mid muujineysa sida Guddoomiyaha ugu damqanayo dadka dhibaatooyinka iyo xanuunada aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin, isla markaana uu si gaar ah xil isaga saaray wax u qabashadooda, taasoo ah qeyb ka mid ah mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran bulshada uu hoggaamiyo, waana mid ku dayasho mudan