Hay’ada Saacid oo ka mid ah hay’adaha Soomaaliyeed ee adeegyo kala duwan ka fuliya gobolada Soomaaliya ayaa  waxa ay u qeybisay cunto kala gedisan illaa shan boqol oo ruux oo qaba cudurka qaaxada.

Bukaanadan oo daawooyin ka qaata xarun ay gacanta ku hayso hay’ada Saacid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku deeqday dowlada Imaaraadka Carabta iyadoo la soo marsiiyay  For the  Sake of Somalia iyo Ururka Bisha Case e Imaaraadka.

Bukaanada loo qeybiyay cuntadan ayaa ah dadka ka soo jeeda qoysas sabool ah kuwaasoo u baahan aanan ku cuni karin daawada calool baahan.

Mrs Farhia Hassan Osman oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda Saacid ayaa u mahad celisay Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta Mohamed Ahmed Osman Al-Hamdi iyo Ururka Bisha Case e Imaaraadka gargaarka ay u fidiyeen dadka taagta daran.

Cismaan Cilmi Caddaawe oo ka mid ah bukaanada la siiyay gargaarka cuntada ah ayaa sidoo kale u mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay gargaarka cuntada ah inay mid ku soo beegantay xilli ay aad ugu baahi qabeen bukaanada ka qaata dawada cudurka qaaxada xarunta Saacid ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka codsanayaa hay’ada Saacid iyo xukuumada Imaaraadka inay sii joogteeyaan gargaarka ay bukaanada ka qaata dawada xarunta ay aadka ugu baahan yihiin si ay uga fayoobaadaan cudurka qaaxada.”ayuu sii raaciyay Caddaawe oo ku hadlayay magaca dadka la siiyay gargaarka cuntada ah.

Guud ahaan bukaanada gaaraya shanta boqol ee gargaarka cuntada ah la gaarsiiyay ayaa u mahadceliyay hay’ada SAACID iyo Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka iyo weliba ‘For Your Sake, SOMALIA,’